Heeso qoraal ah : Heeso jacayl iyo caashaq iyo wadani isugu jira oo qoraal ah

Waxaan halkaan ka salaamaynaa inta jecel miraha murtida iyo ereyada
quruxda badan ee suugaanta iyo heesaha afka soomaaliga.
Waxaa alaaba nala waydiiyaa qoraalka ,miraha , laxanka heeso fanaaniin
waawayn oo caan ah ay ku luqeeyeen

waxaana halkaan ku soo bandhigayaa heeso qoraal ah oo isugu jira heesa
wadani ah, heeso qaraami ah, heeso jacayl ah, heeso caashaq ah,
buraanbur , saar iyo kuwo kale xiiso badan .
Akhris wacan:

hadii aanay dabeel hurin
awood maleh nafteyduye
markaan uurka hooyadeey
ifka uuga soo baxay
anigoona anfaco baran
neecawdiisa uduga leh
kii igu canqariyoow
arligeygoow
inaan kuu adeegoon
aduunyada intaan jirin
waajibkaga oofshaan
axdi kuugu marayaa
arligeygoow
ninkase kaa ordee
kaa abaal dhacee
adoonsiga la jira
saw ma oga
horta saw ma oga
noloshiisa oo idil
saw ma oga
waxay ku ambaqaadaba
saw ma oga
oontaada inay tahay
saw ma oga
ab looga hadh inaad tahay
saw ma oga
dhaxal awoowe inaad tahay
saw ma oga
isagu inuu ku leeyahay
saw ma uga
waxse ku uursamaataa
arligeygow
irbad kaama ridi karo aqoonyare
bulshadana ku ceebow
udubkiyo dhigihiyo
aloolka iyo raarkaba
aqal kaan ka helayow
intaan dibada joogo
ajashu ii timaadana
kii laysoo ambinayee
iilkey ku yiiloow
arligeygow
inaad ku ogalaado
adduunyada intaan jiro
aayaahaa ka taliyaan
axdig kuugu marayaa
arligeygoow
ninkase kaa ordee
kaa abaal dhacee
adoonsiga la jira
saw ma oga
horta saw ma oga
noloshiisa oo idil
saw ma oga
waxay ku ambaqaadaba
saw ma oga
oontaada inay tahay
saw ma oga
ab looga hadh inaad tahay
saw ma oga
dhaxal awoowe inaad tahay
saw ma oga
isagu inuu ku leeyahay
saw ma uga
waxse ku uursamaataa
arligeygow
irbad kaama ridi karo aqoonyare
bulshadana ku ceebow

Naftayda
By Mohamed Saleban Tubeec
Naftayda adaa hinqaaroo
hablihii kale waan ka hadhayee
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee
Naftayda adaa haleeyoohuqdii caashaqana ku beeree
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee
Naftayda adaa u horseedoo
hadana hadhsan weyday awgaa
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee
Naftaydu aday ku haybin
hadana ku heshoo ku weydey
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee
Naftayda adaa hinqaroo
hablihii kale waan ka hadhayee
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee

Naruuradee jacaylkee
By Lafoole
Nuurkii indhaha iyo
Nafta raaxadeedaay
Taan nasiibka ku hamiyaay
Calaf ineey u noqotaay
Ku nagaatay labtoo
Nuudayaasha beerkiyo wadnaha
baad ku nabantahayee
Naruuradii jacayl kaay
Sharka laga nasahayee
Sidii nirigta maandeeq
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan
Bilaneey kuugu nugulahay
Niyadeeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay
Tii nacab iblaysiyo
Naxli laga fogeeyaay
Noocii ijaabada
Tii lagu nisbeeyaay
Nooci ijaabada
Tii lagu nusbeeyaay
Nasteexadii Ilaaheey
Tii aan ka nooginee
Naajax ku ahaydee
Nugul laba u kala roonee
Naqa iyo abaartuye
Soow laabta umaad noqon
Dagarka iyo doogii
Nacas lama amaanee
Naagaba adoo wacan
Nin raga saamigii siyee
Naruuradii jaceeylkee
Sharta laga nasahayee
Sidi nirigta maandeeq
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan bilaneey
Kuugu nugulahay
Niyadeeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay

Nasteexo
By Mohamed Saleban Tubeec
Nasteexooy naruuro iyo
Adaa Nabadba gooyee
Niyadaa ku diidoo
Adaa nacab ku beeree
Ka noolaaday waagii aad
I naa naabineysee
Maxaad igaga naban tahayOo aad ii naadineeysaa
Nacab ku odhan maayee
Nasteexooy ninkii nool
Naxdin baa u taalee
Nimco maleh aduunyadu
Nasso maalmo mooyee
Baguu nabar ku gaadhood
Nabsigeeygii aragtee
Maxaad igaga nabantahey
Ood aad ii naadineeysaa
Nacab ku odhan maayee
hadalkaada halahaado xigmad !!!

Kalgacaylku
By Saalax Qasim
Kalgacaylku Waa Qani
Caashaqa Ka Qaran Weyn
Quruxiyo Wanaag Badan
Waana Shay Ku Qaaliya
Qiimeynta Aadmiga
Labada Isla Qadaan
Qalbigooda Kama Go'e
Waxan Igaba Kaa Qaban
Kuu Quudhi Maayee
Qumanoow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
Soo Dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn
Geestaada Ila Qabo.
Saalax Qaasim
Allow Yaa Habeen Qudha
Uurkeyga Qala Oo
Qudha Uun La Iga Jarin
Quuruumaha Ku Loolama
Ku Yidhaa Garta U Qaad
taladaan qandhoodee
aan qawda ku hayaa
qotodeedu dheeraa
iinsha alaahu waan qaban
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali
Hibo Mohamed
Baribaa Nin Qaaliya
Qom Uu La Noolaa
Qawlka Uu Yidhaahdaba
Hadii uu Quraanyahay
Ay Ka Qaadan Waayeen
kol adoon i qadinayn
quluubtu way ku raacdee
nafta aan qaboojee
hadal quruxsan ii sheeg
Quumanow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
soo dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn


Geestaad Ila Qabo.
Saalax Qaasim

Aduunyada Qorshaa Jira
Iyo Qaabab Waaweyn
qarar oodan baa badan
Qaxar Iyo Dhibaatana
Intaa Way Is Dhex Qaadaan
Qandoodee sheekada
waan qaadi doonaa
qarqarsiga ku jiidoo
hawlaha ma qabanaa
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali

Ha la yaabin waayaha
By Maxamed Axmed Dhabarlow
Adduunyadan yihiinka ah,
Qarniyadan u yaalka ah
Tariikhdan yul-yuladka ah
Waqtiyadan yuraynta ah
Dharaarahan yahoonka ah
Habeennadan yahoolka ah
Dhacdadaan yaqiinka ah;Waxaan shaleyto yeelaan
Maantana la yaabaa
Haduu hilibku yaal yaal;
Oon haadka yowga ah
Laga odhan yaliyo dhaaf
Dugaagana yur laga dhihin
Yeeshuu ka fara madhan
Yeelmada kabaha go'an
Yalla ula kac wuxuu yidhi
Halla wada yaxoobo
Hammo yuqan hallagu karo;
yuuq yaaq maxaa dhalay?
Yaw yaw maxay tahay?

Developed by Jago Desain