Posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Qorshe Dib U Habeyn Loogu Sameynayo Nidaamka Loo Maamullo Miisaaniyadda Dowladda

Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa shir uu maanta ku
qabtay magaalada Muqdisho waxa uu kusoo bandhigay qorshe ay Wasaaraddu
ku howlaneyd diyaarintiisa mudooyinkii aynu kasoo gudubnay ayadoo
qorshahaasina uu la xiriiray dib u habeynta,maareynta dhaqaallaha
Dalka.


Qorshahan ay Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta ay soo diyaarisay
ayaa ah mid quseeyanidaamka ama habka loo maamulayo Miisaaniyadda
Dowladda ayadoo diyaarintiisana ay qaadatay mudo bilooyin ah waxaana
shirkan ay Wasaaraddu ku qabatay magaalada Muqdisho kalasoo qeybgalay
Safiirro iyo khuburro ka socotay beesha Caalamka.


Waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkan lagu faaqiday waxaa ka mid ahaa in
dib u eegis lagu sameeyo dayaca ka jiray qarashaadka ka baxa dowladda
sida dhaqaallaha ku baxa goobaha aan habooneyn iyo sidii qaladaadkaasi
loo sixi lahaa ayadoo muhiimadana ay tahay in sanadaha soo socda
nidaam fadhiyaoo toosan loo helo maareynta dhaqaalaha dalka ayadoo la
buuxinayo dhammaanba goobihii ay dul duleeladu ka jireen.


Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya
Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in muhiimadda qorshahan
uu yahay sidii sanadaha soo socda loo heli lahaa nidaam hagaajisan oo
lagu maareynayo dhaqaalaha dalka ayadoo la saxayo qaladaadkajira,
talaabadaasina ay fursad u siin doonto shacabka iney si toos ah
Dowladdu ula xisaabtamaan dhaqaallaha soo gala iyo halka uu ku baxo.
Shirkan oo socday mudo Seddex saacadood ah ayaa muhiimad gaar ah u leh
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamkabamaadaama mudadii
uu socday laga dooday qodobbo dhowr ah oo dhammaanba quseeya
hagaajinta nidaamka loo maamullo hantida Dowladda waxaana Wasiirka
Maalliyadda oo hadlakiisa sii wata uu xusay muhiimadda ay Dowladdan u
leedahay hagaajinta nidaamka dhaqaallaha loo maamullo taasi oo ka mid
ah Lixda tiir ee Dowladda.
"dib u habeyntani waxey muujineysaa ama ay inoo fududeyneysaa hadii
aan dhaqaallaheenna dib u hagaajino amaba anu xayirno qarashka sida
aan habooneyn ku baxa inaan hirgelinno howlaha kale ee Dowladda looga
fadhiyo qabashadeeda sida amniga, waxey kaloo noo suurtagelineysaa
inaynu helno aaminaad ama kalsooni aan caalamka intiisa kale kula
macaamilno sida Bangiga Aduunka iyo IMF" ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda
Maalliyadda iyo Qorsheynta.


Hadaba qorshahan ay Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta soo
diyaarisay ayaa waxaa ugu muhiimsan qodobadan:-


• In sidii afarta sano ee soo socota si cad shacabka loogu soo
bandhigi lahaa nidaamka dhaqaalaha dalka

• In la xayiro ama la adkeeyo dhaqaalaha sida fudud uga baxa Dowladda
gudaha iyo dibadda

• In dhaqaallaha baxaya ay ka muuqato muhiimadda meelaha uu ku baxayo
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Dowladda
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa xusay in
markani ay ka duwantahay tii hore dowladduna ay qorshe la timid,
qorshahaasi hirgelintiisa ay dowladdu isku raacsantahay waxaana uu
rajo ka muujiyey in qorshahaasi uu u hirgalo sida loo
dejiyey"qorshahani hadii uu hirgalo waxey noo fududeyneysaa in
dhaqaalaha dowladda soo gelaya uu kordho, ahaadana mid la ogaan karo
halka uu kasoo galay iyo meesha uu ku baxay sanadaha soo socdo, iyo in
la xoojiyo hay'addaha dowliga ah ee miisaaniyadda Dowladda la xiriira
si loo dhowro kalsoonida shacabka "
Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa laga filayaa maalmaha soo
socda iney soo bandhigto xisaabtankii Miisaaniyadda Seddexdii bilood
ee ugu dambeysay sanadkii aynu kasoo gudubnay taasi oo horey ay
Baarlamaanku u ansixiyeen iyo dib u eegistii sanadkii lasoo dhaafay
ayadoo la eegayo dhaqaallah Dowladda soo galay iyo sida uu ku baxay
waxaana Dikumentiyadaas lala qeybsan doonaa shacabka ayadoo
Warbaahinta Qaranka loogu soo bandhigayo.
Developed by Jago Desain