Hay’adda lacagta adduunka oo aqoonsatay dowladda Soomaaliya

Hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa 22 sano kadib sheegtay iney sirasmi ah u aqoonsatay dowlada cusub ee Soomaaliya,

hay'adu waxay hada kadib xiriir toos ah la yeelanaysaa dowlada Soomaaliya ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay hay'ada IMF ee maamusha lacagta aduunka.

Warka kasoo baxay hay'ada ayaa intaa ku daray in aqoonsiga macnihiisu uusan ahayn in dowlada Soomaaliya ay hay'adu siin doonto lacago deymo ah,waxayna hay'adu sheegtay in Soomaaliya hada lagu leeyahay 352 Milyan doolar oo deyn ah ilaa ay Soomaaliya ka bixiso deymahaasne ineysan siin doonin lacago kale oo amaah ah,balse ay Soomaaliya ka taagereyso dhinacyo ay ka mid tahay farsamada.

Gudoomiyaha bangiga dhexe Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye ayaa sheegay in aqoonsiga ay Soomaaliya ka heshay hay'ada lacagata aduunka ay dhabbaha u xaareyso taageero badan oo Soomaaliya ay si toos ah uga hesho hay'ada IMF.

Hadliye gudoomiyaha Baanka dhexeee Soomaaliya ayaa sheegay in waxyaabaha laga filayo iney soo kordhiso aqoonsiga IMF ay ka mid tahay in hay'adu ay Soomaaliya ka taageerto Samaynta lacag shilin Soomaali ah,
soo celinta qiimaha shilinka Soomaaliga,Sal u dhigida sarifka
lacagaha qalaad iyo
xakameynta hoos u dhaca dhaqaale ee dalka iyo wax ka qabashadiisa.

Aqoonsiga hay'ada IMF ay siisay dowlada Soomaaliya ayaa ka danbeysay kadib markii uu madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max'uud gaaray magaalada Washington halkaas oo uu kulan kula soo qaatay masuuliyiinta ugu sareysa hay'ada maamusha lacagta aduunka ee IMF

Baargaal.net
news Desk
Developed by Jago Desain