Degdeg: Ibrahim Afghan Si Dhab Ah Loo Cadeeyay In Madaxa La Gooyay

Warar aynu si dhab ah kaga helnay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in la xaqiijiyay geerida sargaal kale oo Shabaab ah.Ilo lagu kalsoon yahay oo laga xaqiijiyay dad ku dhow Shabaab ayaa sheegaya inuu geeriyooday Ibrahim Afghan oo kamid ahaa Hogaamiyaasha Shabaab.

Xiriiro lala sameeyay ilo wareedyo ku sugan goobta ayaa xaqiijiyay geerida Ibraahim Xaji Jaamac Miicaad (Afgaani) oo ah Hogaamiye Shabaab ah. Sargaalkan caanka ku ah Afqaan ayaa wararku waxay shegayaan in lasoo taagay Maxkamada Shabaab ee magaaladaas Baraawe kadibne lagu xukumay dil. Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in Sargaalkaas ay meel cidlo ah gaysteen ayna qoorta ka jareen, waxaana sargaalkaas uu kamid ahaa xubno Shabaab ah oo kasoo horjeeday Axmed Godane

Waxaana horay loo xaqiijiyay geerida Macalim C/xamiid (Burhaam) oo waalidkiis lagu wargeliyay inuu geeriyooday kadib dagaalkii Shabaab dhexmaray Gudoomiyaha Shabaab ee Sh.Hoose Abuu Cabdalla ayaa sheegay in ay ciidamada amniyaadka Shabaab dileen Hogaamiye Macalin Burhaan maadaama uu kamid ahaa ragii kasoo horjeeday amiirka Shabaab.

Baargaal net breaking news
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain