Posts

Puntland: xildhibaano la baadigoobaayo maleey sal iyo cirib dhigeen

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xasan Shire ayaa Maanta cadeeyay in ka badan 14xildhibaan ay maqan yihiin oo aysan soo buuxin Kuraasta Xarunta Golaha Wakiilada Puntland iyagoo wax sabab ah aan ku maqneen cidinna ka fasaxa qaadan,

Xildhibaanadaa maqan oo maalmihii la soo dhaafay lagu jiray baafintooda iyo baadigoobkooda ayaa waxaa dhaafay hawlo badan oo muhiima sida Ansixinta Gudiga Joogtada ah ee Golaha wakiilada Puntland iyo hawlo kaloo badan

sida uu Saxaafada u sheegay Siciid Xasan Shire oo ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland lama hubo Maalmaha So o Socda In Xildhibaanada Maqan ay kusoo gaari doonaan Maaalada Garoowe kana qayb qaadan doonaan hawlaha horyaal Baarlamaanka Puntland oo ay ugu horayso Ansixinta Xukuumada Cusub ee lasoo dhisayo.

BAARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain