waxaa shalay gaaray Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud wafti ka
socda dowladda faderaalka Soomaaliya wafdigaas oo uu hoggaaminayey wasiir ku-xigeenka arrimaha guddaha iyo federaalka mudane C/raxmaan Maxamed Saalax Bangax,waxaana qeyb ka aha wafdigaas wasiir ku-xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Cali Salaad Taako Xildhibaanno, saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo mas'uuliyiin kale, iyadoo u jeeddada socdalkooda ay la xiriirto sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisado maalmihii tagay ka jiray halkaasi.
waftigaan ayaa la sheegaayaa inta uu ku sugan yahay magaalada
Caabudwaaq,inay shirar iyo kullamo la qaadan doonaan maamulka iyo
qeybaha bulshada degmadaasi ku dhaqan, sidoo kale inta ay shirarka
wadaan mas'uuliyinta dowladda ka socota,waxaa ay ka qeyb qaadan doonan dhex dhaxaadinta isku dhacyo ka dhacay gobolka,halkaaso la doonayo
dhinacyada ku lugta leh in heshiis ay ku gaaran lana joojiyo dilalka
ku saleysan aanooyinka qabiilka.
BAARGAAL.NET
Facebook.com/Baargaal