Bandhig wax soo saarka iyo Maalagashiga Soomaliya looga hadlaayay oo ka furmay Xarunta Ganacsiga Caalamiga ee Dubai

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya Mudane Adan Saransoor, ayaa waxa uu shalay furay shirka Bandhig wax soo saarka iyo Maalagashiga Soomaliya looga hadlaayay (SOPEC)wuxuuna si dheer uga hadlay muhiimadda umadda Soomaliyeed u leedahay maalglinta.

Waxa uu intaa raaciyay wasiirku in dowlada Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto sidii ay u ilaalin laheyd xuquuda maalgashadayaasha iyo midda muwaadinka Soomaaliyeed.

Waxa uu yiri wasiir Saransoor, "Dowladda waxay sharcigaasi u gudbisay Baarlamaanka Soomaliya oo kal-fadhiyadiisa uga hadli doona ".

Wasiirka wuxuu amaanay qabanqaabiyayaasha Bandhigga sida ay isga xilsaareen sidii ganasatada Soomaaliyeed loogu dhiiringalin lahaa horumarinta wax soosaarka iyo maalgashiga.

Waxaa halkaasi sidoo kale ka hadlay Wakiilka Midowga yurub ee Somaliya, Qaban qaabiyayaasha shirka ee HANVARD AFRICA iyo FAO oo dhamman ka hadlay sida ganacsatada daneysa maalgashiga dhinacyada wax soosaarka dalka ay ugu dhiirigalin lahaayeen in la joogo waqtigii Soomalida ay diyaarka u ahaayeen wax wadaqabsiga maalgashadayaasha ayagana arrimahaa ay labada dhinac gacan ka siin lahaayeen muhiimadda wax wada qabsiga, dowladana kaalinta kaga aaddan arrintaasi gacan uga siin lahaayeen.

Waxaa shirkaasi dhiiri galintiisa ka qeyb galay madaxa Rugta Ganacsiga ee DUBAI Cabduraxman Saif Al-Ghurair oo dhiiri galiyay bandhiggi ganacsatada Soomaliyeed iyo Maalgashada yaasha caalamiga ah.

Waxaa kamid ahaa shirkadihii lagu casumay bandhigaas inay ku soo bandhigaan waxsoosaarkooda shirkada Barfisco oo arimo la xiriira fiisaha dib uga dhacday ayadoo diyaar garow xoog badan samaysay

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain