Xiisad kataagan Berbera iyo Haweenay ku Dhimatay

Rasaas la sheegay in uu riday Tabaariga Maxamed Ducaale oo ah ninkii hore rasaata ula beegsaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile ayaa keentay dhimashada hal ruux oo haweena oo magaceeda lagu sheegay Xamda Cilmi iyo dhaawaca wiil uu dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo lagu magacaabo Sacad Maxamed Faarax.
Tabaariga Maxamed Ducaale oo maalmahan udabeeyay kusugnaa magaalada berbera ayaa la sheegay in uu Xalay fiidkii weerar ku qaaday meherad ay haystaan caruurta uu dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qaabile oo kutaala Suuqa garanwaaga ee berbera.

Ninkan dilkan gestay ayaa wararka la xiriiraa sheegayaan in uu watay baabuur Crown ah oo uu leeyahay Wasiir kuxigeenka Arimaha gudaha ee dhinac amniga maamulka S/land Cabdillahi Abokor Cismaan oo horena loogu xiriirinayay in uu ugu adeegsaday ninkan Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain