Baargaal : Ardaydii oo u Fariisatay Imtixaankii kama dambaysta ahaa sanad dugsiyeedka

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay10/05/2014 sidii loo qorsheeyay u bilowday dhamaan ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee degmada baargaal imtixaankii kama dambaysta ahaa ee sanad dugsiyeedkii soo idlaalay 2013/2014.

Imtixaanka oo dhamaan ardayda u bilaamay saacaadu markay ahayd 07:30 aroornimo oo buuxda waxayna maanta ardayda dugsiga hoose dhexe u fariisteen maadooyinka sayniska iyo cilmiga Bulshada halka ardayda dugsiga sare ay u fariisteen Maadooyinka History iyo geography.

Waxaan dhamaan Ardayda maanta imtixaanku u bilaamay u rajaynaynaa guul iyo inay ku aflaxaan waxay sanadka soo barteen

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari


Developed by Jago Desain