akhriso Heeso qoraal ah oo ereyo macaan

akhriso Heeso qoraal ah oo ereyo macaan
SAADO CALI WARSAME 
------------------------------------
Kolkaad adigu dhimataa
Naftu iga dhaqaaqdaa

Kolkaad adigu dheregtaa
Dhibaatadu i daysaa
Dheehaaga wacan baan
Aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii aad reebtaa
Dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhawaadana
Waad iga dhaqaaqdaa
Anna ku ma dhagaystee
Dhegahaan kaa furaystaa
Dhaandhaan haddaan ahay
Adna dhoohanaad tahay
Dhulkaan kala fogaadiyo
Labadeenna kala dheer
Yay isu soo dhaweeya?


----------------------------------------


Dayaxa iyo Cadceediyo
Deegaan Lamoodyeey
Malablagu durduurtiyo
Dahabkoo iftiimaay
Daawashada ku wacaneey
Damac Bey iga kaa galay,
Damac baa iga kaa galay,
Waxaa iga dardaarana
oon kaaga digayaa,
dadku yuu isku keyn dirin
Dab dhaxdeena laga shidin,
dab dhaxdeena laga shidin,
Hadeey hadal darisaan
dibnahaaga ha u celin
hadey kula dagaalaan
u dulqaado waligaa,
Dusha Hadalka kaga tuur
iyagaa dareemiye,
Waxaad ogaataa
inaan adi ku doortoo
Dadka kaaga soocdoo
dumarna kuugu jecelahay
Dadka waxaad u digataa
markaan kuu dadaaloo,
Ubad daadaheeysee

__________________________________

Heesta: Balanbaalis
Abwank: Ali salebaan Bidde
Fanaanka: Hasan Aadan
→Sida Meel Barwaaqo Ah
→Oo Buuro Dhaadheer
→Wabi Baal Maraayoo
→Barbarkana Daruuruu
→Kaga Began Yihiinoo
→Waaguna Baryaayoo
→Bardihii Magooliyo
→Ubaxii Gadaal Baxey
→Balanbaalis Qalimo Leh
→Hadba Laan Ka Boodaad
→Adna Ii Bidhaantaa
→Biligtaadu Waa Taa
→Kalgacaylka Beertoo
→Bilicdaad Wax Dheertahey.
→Meel Baadku Hawroo
→Maajiin Baldhiiliyo
→Maadhiyo Baldhuuluhu
→Baarka Isku Soohdeen
→Aan Bahal Ugaadhiyo
→Baryahaa Dad Soo Marin
→Oon Wali Bur Laga Gooyn
→Biyuhuna Qulqulayaan
→Sida Loo Guban Baxo
→Yaan Kugu Badhaadhaad

___________________________________

☆Inan yahay adaan kaa helaa 
☆Ku han waynahayo 
☆Inan Yahay adaan kula haya 
☆Kuna heelano 
☆Inan yahay ada iga hantiyey 
☆Hanka feedhahee
☆Adigan hurdada kaaga go'ay
☆Haakah iyo jiife
☆☆Adigaan hablaha tii aan arkaba
☆Kugu hilmaamaye
☆Adaan kuugu heesa sidii
☆Hooyo ubadkeede
☆Hadal kaagu way malab dawiyo
☆Timirti doocane
☆Muqaal halacsi daymada ishaad
☆Dareen hagaysaaye
☆Garka iyo halbawlaha baad
☆Gacan kuhaysaaye
☆Hido raac jcylbay haye hinda iga baano

_____________________________________________

Malaha indhahan ilmada qubayiyo
Ma ogid eebada qlbiga irkatoo
Sidaan ku ahay allan kutusine
Waxad ulateed ku uursantihiyo
Dunida idilkeed dartaa inan yahay 
Naf iibin lahayd adaa inkiro
Cakuye is adkayn kamaba ilbaxdide
Cishqiga i afduubay halkaa ku ilow
Agtaada hadan shalay ubax dhigay
Maantana urursho anaa aase
Maxaad uga oli halkaad ku ordaysay
Jacayl eber keenay dhibcaha ixtiramka
Marku omas daaqay maxad ugu oontay
Maxad aragayga hader ugu oyday
Adoon anfariirin markaaga adkayso
Albaabka wanaagu dhexdena ka awdan

___________________________________________

Alfanaan Ikraan Carale
ma’ogtahay sidii baan
geesigaan jeclaa
inuu guulle igu simo
gacmo kor u hayaaye
ma’ogtahay sidii baan
goor iyo ayaan
guriguu ku nool yahay
isu gacan salaamaayee
bal inuu garwaaqsado
siduu caashaq ii galay
gasinkiina iga jaray
uga go’ay hurdada
ha guddoonsadee
deeqsigaan jeclaa gaarsiiyaye
gaarsiiya idinkuna
gaarsiiya idinkuna

________________________________________________________

EREYADII FAARAX MURTIILE
----------'----------------'--------------
Afkaba Daahisu Waa Dibnaha'oo 
Layidhi Kii Dabolan waa Dahabe 
Dabayshu Dhulkay ka Duusha 
Daruurta Cirkaana Daadihise
Dadkana Dabar kiisu waa Diin
Ragana Dumarka Dugsoon u aho
Hadanay Dadab Galin Dabayshade
Adigu Diidaney Adaa Dahabo
Qalbiga Dajiso indhaha Deeqde
Sidii Dayax so Baxaad tahay
Naf Caashaqu Dagooo
Ku Daydayaysaad Dabiib utahe
Dawee Gacalooy
_____________________________________
~Adoo qaba nabaradiisa
~Jacaylka nitaaqadiisa
~ Qofaad unugushahay xagisa
~ Madaysid nasteexadiisa
~Waxad neceb tahay dhibtiisa

Ma raadisid niyad jabkiisa
Naftaadana waad kusortay
Nayayire waa agtiisa
Nasiib aad leedahay weeye
Nolosha isagaad ku soortay
~Nabdiga ruuxad kuhayso
~ Naruuro hadaad kawaydo
~ Walina rajo naawilayso
~ Jacylku nusqaami maayo
~ Qalbigu nacab uma yaqaano
~ Naflaha wuu kaaga dhawyay
~ Adaan ka nagaan agtiisa

______________________________________________
Waayahoo cakirmaa cidhiidhi dhaloo
Nasiib nin casuumay baa midkale ciilee
Ruuxii caydhnimo Shalay cawlnaa
Marbuu cawa dhalad noqdaa calanloo
Cadceedii dhalataba noloshu waa cayn
Curdin iyo hadaad caruur weli tahay
Da'diyo cimriguba ruux bay cuskadeen
Adoo caga qaba hadaad cabanayso
Curyaan waxa jira nolosha ku cadiban
Ciyaaro hadii caruus loo tumay
Cawayska midbaa ciidda lagu rogay
Cuudkaagu haduu adiga cimidh yahay
Tiriyo cadad maleh sabool caydhihi
Hadaad ku cawayso cisiyo nabad
Dadbaa ciil iyo colaad la ildaran
Dantoo ku cuslaysay ceeb malehe
Ku ceesh baryadaa cibaaro la'e

____________________________________________
Waa salow kalgacalkuye
Anna ma ila sara tagayee
Waa sahashanaayaye
Ma idhigay sinsirada
Ma Zamaano badan baa
Sadaal ku noolaa
Ma ilaa salaadaan
Soo jeed ku gaaraa?
Allahayo Naf sareeya
Maxaa qoorta iii surayee ?
Sinta iyo hadaan dhabar
Seeduhu oo isugulow
Socod lama awoodee
Jacaylkaan nawada simin
Ragga kaan ka saayadey
Sahwi iyo dhibaatada
Maxay isaaray Kaligeey
Meel sabaad dhaxoodii
Allahayo Naf sareeya
Maxaa qoorta iii surayee ?

_________________________________________________________
Rag iyo dumaroow ogoow
riyada reer kuma dhismee
run-buu ku nagaanayaa
Rafiiqi buu doonayaa
hadaan la is raali galin
Barwaaqo raarantoo
cishqiqu wuu ragaadayaa
jacaylkuna wuu ribaday
Ra’yigoo la is dhaafsadaa
rasmiga lagu gaadhayaa
Markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa
Markay tolo raaran tahey
rabbaa lala kaashadaa
dantoo la iska raaridaa
Samaha lagu raadiyaa
rug iyo guri lagu dhisaa
Raxmaad soo da aa
ramaadku soo baxaa
rucubta laga soo gurtaa
Rayrayn lagu waarayaa
raaxo da loo wada jiraa
Markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa


Developed by Jago Desain