Wax badan ka Ogoow shaqsiyadaada adigoo ka eegayaa xarafka ugu horeeyo ee Magacaaga uu ka bilaawdo!!

Wax badan ka Ogoow shaqsiyadaada adigoo ka eegayaa xarafka ugu horeeyo ee Magacaaga uu ka bilaawdo

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa diraasad ay sameeyeen khuburo ku takhasusay shaqsiyada oo ku saabsan Xarfaha ay ka bilowdaan Magacyada lala baxo iyadoona Magac kasta loo fasiray Xarafka ugu horeeyo inuu ka tarjumaayo Shakhsiyadiisa .

Xarafka ugu horeeya xarfaha ayaan kabilaabaynaa kasoo ah xarafka (A) :- Waxaa soo hoos galaya Xarafka A magacyo badan oo ay ka mid yihiin:-Axmed, amiir, asma,amina,aasiya,abshir,ayuub iyo magackasta oo ka bilawda xarafka (A) waxaana lagu sheegaa dadkaasi in ay yihiin dad ku wanaagsan asxaabtooda dabeecadoodana waa mid dagan taxadar badana leh wa dad furfuran edeb leh dadkana kula dhaqma si xushmad iyo wanag badan ay ku jirto,
Lakiin ceebtooda aya waxa ay tahay waxaa ku yar sabarka waxey u deg degaan sugida natiijo kasto oo meeli ay ka filanaayeen wa dad lax jeclesta waxyaabaha qaar(kaligood isla doona) waxaana ku waajib ah in ay ogaadan jaceylka in uu aas aasi u yahay nolosha insaanka maxaayeelay arintaasi wax muhiimad ah ma siiyaan.

Xarafka (B) waxaa ka mid ah magacyo badan sida:- bilan, buruuj, bootaan, bahjo, bishaaro balqiis, burhaan iwm Waxa lagu tilmaama in ay yihiin dad Romance ah (jaceylka wax ka yaqaano) waxaana quluubtooda buuxisay jaceylka dadka ka agdhow sida eheladooda saaxiibadooda iyo qofkii uu kala dhexeeyo xiriir waxa ay wanaajiyaan dareenka dadka waxa uu ALLE ku maneestay dulqaad iyo awood ay ku xanbaaran dhibaatooyinka qaar ee soo wajaho

Xarafkka(T) sida Tariig Timiro iwm Waa dad intaba badan jecel matalaada iyo waxyaabaha aan jirin farxada noloshooda ayey ku dadaalaan waa dad waqtigooda inta badan cariiri uu yahay waxa ay ilaaliyaan qofkasta oo xirir u kala dhexeeyo. Wax muhiimad ah masiiyaan dadka uu magacoodu ka bilaawdo xarafkaa T naseexooyinka(la talinta) la siiyo.

Xarafka (J) sida Jamaal, jawaahir, juweeriyo, jimco, jaamac, iwm Waa dad ay kugu adkaaneeso ka dhaadhicintooda waxkasto oo iyaga ku cusub ama arin ay raadinayeen dhamestirkeeda
Dadka wata Magaca J Waa dad shaki badan waxana u shakigaas saameyaa noloshoda sida go'aamadooda doorashooyinkooda wa dad dusha u dhigta qaadina kara mas'uuliyada saaran


Xarafka(X)xasan, xuseen xaamid xayaat,xafso,xanan,xamdi Iwm Waxaa lagu,
Dadka xanbaarsan magaca ka bilaaba waxa lagu fasiraa in ay yihiin dad jecel xoriyad wa dad wax qabad badan waxaase ay tahay ceebtooda mahan dad u sabra dhibaatooyinka iyo qadarta ALLE

Xarafka (kh) khaalid, khadiija iwm
Waxaa lagu tilmaama in ay yihiin dad wanaagsan soona dhoweysta asxaabtooda isla waqtigaasna muujiya taxadar wa dad leh hadaf iyo waxyaabo ay si gooni ah u daneynayaan waxaana ay qabtaan howl kasta oo soo wajaho gaar ahaan ragga waxaa la shegaa in ay yihiin kuwo qaab dhismeedka jirkoodu uu wanaagsan yahay waxaana ay aad u jecel yihiin dumarka dhiigoodu waa qafiif shaqsiyadoodana waa mid adag

Xarafka (D) Dahabo, daahir,dalmar iwm Waa dad waxyaabaha qaar aad isaga difaaca waxa ay inta badan dul dawaafaan arimaha jaceylka arigtida ugu horeysa ayey wax ku jeclaadaan dadka wata magaca ka bilowda Xarafka D muhiimad masiiyaan nafsadooda waxa ay ku dadaala mida dadka kale ,wa saxiib wanaagsan haddii ad ku guuleesatid helida kalsoonidooda ma dhici doonto in aad hesho saxiib ka wanaagsan lakiin ceebtooda ayaa ah in ay aad u daneeyaan qofka ay jecel yihiin oo kaliyah mana siiyan wax muhiimad ah qofka iyaga jecel taasina maahan mid uu ku qanco qofka marka jeclaa

Xarafka (DH) xarafkaan sida uguma badna magacyada dadka loo bixiyo gaar ahaan soomaalida inkasto ay jiraan sida DHUUX, DHIMBIL iwm
Waa dad nasiib badan awoodana hal waqti in ay qabtaan howlo badan
ceebtoodase ah in aysan xafidin waxyaabaha ugu badan e ay dhibaatada ugu imaato

Xarafka(R) raxmo,riyaan, ruqiyo, rajab, ruun iwm
Waa dad asluubtoodu ay wanaagsan tahay waxa ay raadiyaan markasta guusha wa dad an ku shaqeeynin waxa u dareenkooda siiyo ee waxa ay lakaashadaan caqligooda.
waxa ay inta badan ku raaxeestaana waxyaabaha uusiiyo caqligooda urfuran waxa ay qaataan fikradaha dadka kale xittaa haddii ay tooda lamid aheyn

Xarafka (S)Sihaam, samiira, suheyb, salwa, sayid, saalax iwm Waa dad jecel in ay dadka kulmiyaan sababkasta iyo sikastaba haahaatee ma jecla kalinimada iyo in la ogaado xiriiradooda waa dad dhimrin badan saaxiibo ah aabe ah hooyo ah dareena badan waxa laga yabaa erey iska caadi ah in uu saameeyo ama dhib ku noqdo

Xarafka(SH)shaafici, shamso, shaacib, sharmake, shukri iwm dadka wata magaca ka bilowda xarafkaas waa dad inta badan ilaaliya arimahooda u gaarka ah qofkii isku dayaana in uu u dhowaado wax u qaas ah waxa u kala kulmaaya jawaab adag shaqsiyadooda iyo ilaalintoodaba waa mid ay aad u adag tahay.

Xarafka(C) cumar cabdi cusman caasho ciid cali iwm Waa xarafka ugu badan magacyada ay Soomaalida ay la baxaan wa dad u naxariista dadka dhibaateesan jaceylkoodu wa mid sinaasho ah waxa ay jecel yihiin in ay dadka ay u kala xukmiyaan si wanaag iyo cadaaladi ay ku jirto, waa dad aan ceebtoodu badneen inkastoo ay yihiin dad is difaaca waxkastoo ay ku jiraanba.

Xarafka(G) guuleed geedi iwm
Xarafkaan siyaabo kala duwan ayaa loo fasiraa waana dad qariya sirta saaxiibadooda waxaana ay caburiyaan qofkasta oo ka hor imaado fikirkooda

Xarafka(F) Fartuun, fahmo, fowsiyo,fardowso,faarax,fahad,fariid, fa'iso iwm
Waxaa lagu asteeyaa dadkaani in ay yihiin kuwo aan fikirka iyo wax raadintaba ku dheeraan ceebtoodana waxa ay tahay waxa ay xukmiyaa waxa muuqdo
waxa ay lacagta inta badan ku qarash gareeyaan labiskooda

Xarafka(Q) qamar, Qaasim Iwm
Waa dad har uu u yahay aqlaaq wanaaga geesiyaalna ah ,lakiin waxa ay
ceebtoodu tahay ma arkaan waxa ay heestaan ee tan dadka kale ayey u jeedaan iskalama weynaadaan qaladkooda ee wey qaataan

Xarafka(K) kaafi, kawsar iwm
Inta badan magacyadaan si mutuxan loolama baxo ee waxaa lagu daraa ama lagu lamaaneeyaa (cabdi) wa dad jaceylkooda ka gaaro go'aan dareenkooduna uu badan yahay waxana ay ku wanaagsan yihiin arimaha ganacsiga, wa dad geesiyaal ah ilaaliyana amaanada wa dad karaamee badan lakiin aan ku dhaqaaqin.

Xarafka(L)liibaan,luul,leylo, laahi iwm
Waa asxaab u saxiib ah arimaha jaceylka ama(Romantic ah) wa dad wanaag badan aadna uu u shaqeeyo caqligooda waxa ay ku dadaalaan barashada luuqadaha kale

Xarafka(M) maxamuud, mustafe, maxamed,muna, maariya, iwm
Waa xaraf uu aad ugu fudud yahay dhihidiisa ilmaha oo waxa ay k bilaabaan (mama) waxaana lagu qeexa dadka u ka bilaawdo xarafkan magacoda in ay yihiin (Romance) xishood badan naxariis badan waxana ayku dadaalaan waxkastoo wanaagsan sidaa oo ay tahay hadana si fudud uguma qancaan, ceebtoodase waxaa lagu sheegaa in ay tahay is hortaagid(lid,diidmo badan) sido kale wa dad isla jecel waxyaabaha qaar

Xarafka(N) nuuro, nasra, nafisa,nuur,nuux,namco,nadiifo iwm waa dad uu xabadkoda(sadrigooda )si qiyaali ah u weyn yahay ogna dabeecadooda waxa ay tahay ooyintooduna wa ay dhow dahay waxa ay rumeesan yihin xuriyada waana dad inta badan is difaaca

Xarafka(W) waliid,warsame,wardo iwm Waaxa lagu qeexaa iyana in ay yihiin dad caqligooda uu wax soo saaro waxaana ay ku wanaagsan yihiin isku xirka iyo macluumaadka arimaha bulshada

Xarafka(H) waxa inta badan lagu dabaqa in uu la micno yahay xarafkiiaan kor kusoo sheegnay ee ahaa (A)

Xarafka(Y)Yasmiin, Yaasiin ,yoonis,yaasir,yusra iwm
Xarafka Y oo ah midka ugu danbeya xarfaha ayaa waxa lagu asteeya dadka uu magacoodu ka bilaawdo in ay yihiin awood buuxda oo u gooni taasoo ay wax ku maamulaan sidoo kale waxa lagu qeexa dad (Romantic ah) oo cabiri karo jaceylkooda waxaa si deg deg ah u saameeyaa waxkastoo loo bandhigo ayagoona kugu raacaayo
Developed by Jago Desain