Deg deg Madaxweynaha Puntland oo ka baaqaday shirkii New Deal ee Denmark

Deg deg Madaxweynaha Puntland oo ka baaqaday shirkii New Deal ee Denmark

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka baaqdey ka qaybgalka Shirka New Deal ee 19 iyo 20 Novembar ka dhacaya magaalada Copenhegan ee dalka Denmark sida ay sheegaayaan warar ka soo baxaaya madaxtooyada oo soo gaaraya warbaahinta.

Baaqashada Madaxweyne Gaas waxaa sababay ka dib markii khilaafaadkii Madaxda Soomaalida uu sabab u noqdey in shirka rajadiisii ahaa hiigsiga 2016 uu hoos u dhacay isla markaasna Dowladaha Daneynanayay Shirkaan sida EU , IGAD, Jaamacadda Carabta, Hay'adaha Caalamiga ay go'aansadeen iney Shirka u soo dirsadaan Agaasimayaal halka ay Dowlada Maraykanku ay gabi ahaanba diidey iney kasoo qaybgasho,
sidaas awgeed Dowlada Puntland waxay go'aansatay iney shirka usoo dirsato wafdi heer Wasiir ah.

Arintaan ayaa waxay dharbaaxo siyaasadeed ku noqoneysaa Madaxda sare ee Dowlada Federaalka ah ka dib markii ay dhameyn kari waayeen khilaafkii u dhexeeyey.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain