Heesta Jayxaygii we alfanaan maxamed BK oo qoraal ah Lyrics

Lyrics

Qof ku rabay ka jeedsiyo
Mabba geyo ku joogsiye
Jamashadu badhaadhiyo
Waxay tahay jano kale
qof ku jecely adoo jecel

Aniguna jaleecada
Geestaad iga jirtaabay
Indhahaygu jiriyaan
Iga dhaari jiifkana
Qof jeelani ma sexdee

saw johorodaydaay
Jidhkaygu kuma tabo
Jeexaygii midigeey
Ima helin jir boholyaw

Ubax jaadba jaadaan
Boga kugu joojoo
Jago waxad ku ledahay
Meel aan hortaa jire
Wali jaanta soo dhigin

Wadnahaad jalbeebtiyo
Jasasada Codkaagoo
Qalbi kuu jaxaasmiyo
Niyad ku jiljilicdaa
Jaahaagu dhayayaa

saw johorodaydaay
Jiidhkaygu kuma tabo
Jeexaygii midigeey
Ima helin jir boholyaw
Developed by Jago Desain