Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud oo is casilaya

Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud oo is casilaya

Kadib safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ku tagay dalka Jabuuti ayaa waxaa soo baxayo warar cadaynaya in bulshada Caalamku ka codsadeen Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud in uu is casilo.

kulan ay yeesheen madaxwaynd xasan shiikh iyo madaxweynaha Jabuuti ayuu madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ku gudoonsiiyay dhanbaal uu uga siday beesha caalamka kaasi oo qeexaya jidka cusub ee tubta toosan (New Roadmap).

Dhanbaalka wuxuu ugu horayn dhigayaa in Xasan Sh. Maxamuud is casilo kadibna qorshaha cusub lagu dhaqo dalka mudo sanad ama laba ah si markaasi dalka loogu diyaariyo doorashooyinka 2016.

Dawladda Maraykanka oo gacmo furan ku taageertay xukuumadda Xasan Sh. Maxamuud ayaa haatan u muuqata in ay ku qanacday eedaymo ay dalal kale oo beesha caalamka ay u jeedinayeen madaxweyne Xasan iyo dawladda uu garwadeenka ka yahay.
Eedaymaha ugu culus ee Xasan iyo xukuumadda uu garwadeenka ka yahay loo jeediyay waxaa kamid ah

*.Musuqmaasuq baahsan oo hareeyay laamaha dawladda laga soo bilaabo xafiiska madaxweynaha ilaa iyo xafiis waaxeedyada

*.Lunsashada iyo ku tagri falista hantida qaranka iyo deeqihii caalamka

*.Wax ka qabasho la'aanta amaanka caasimadda iyo qalqal galinta amaanka gobolada

*.Dhamaystirid la'aanta laamaha dhiman ee dawliga sida Aqalka Golaha Sare oo ay ahayd in mar hore la abuuro

*.Nidaam cadaaladeed oon abuurrayn taasi oo lumisay in la helo garsoor wanaagsan

*.Aas aaska dawlad goboleedyadii uu ku istaagnaan lahaa nidaamka dawlad wadaagga ee federaaliga ah

*.Iyo ugu danbayn ifafaalaha in dalkani ay ka dhacdo doorasho xor ah oo madaxweyne sanadka 2016 oo aan muuqan

madaxwayne xasan oo hada ka qaybgalaya Shirka Copenhagen ee New Deal Waxaa loo cadeeyay mawqifka beesha caalamka waxaa la sugaayaa soo noqoshadiisa Muqdisho inuu madaxwaynuhu ku dhawaaqo iscasilaadiisa hadaan wax kale isbadalin

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain