Ururka Dhalinyarada ACDO Oo Soo Bandhigay Waxqabadkoodii Mudadii ay jireen

Ururka Dhalinyarada ACDO Oo Soo Bandhigay Waxqabadkoodii Mudadii ay jireen
Ururka dhalinyarada ACDO oo ka mid ah ururada dhalinyarada kuwooda ugu firfircoon ee ka hawlgala Gobolka Gardafuu gaar ahaan Degmada Baargaal ayaa waxa ay shir ku qabteen xaruntooda oo ay ku soo bandhigayeen waxqabadkoodii mudada labada sannadood ahayd ee ay jireen.

Shirkaas oo ay ururku ku casumeen gudoomiyaha Degmada Baargaal abuukar axmad yuusuf iyo ku xigeenkiisa mudane yuusuf maxamed xirsi iyo xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada iyo odayaasha iyo waxgaradka Deegaanka iyo marti sharaf kale

Shirka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiyaha Ururka dhalinyarada ACDO Mudane C/risaaq maxamuud siciid waxa uuna ka warbixiyay u jeedka kulankan iyo waxqabadkii mudada labada sanadood ahayd ee ay jireen ururkani waxyaalihii u qabsoomay,waxa uuna hoosta ka xariiqay in ururkani yahay urur dhalinyaro ah una istaagay sidii ay magaalada Baargaal uga qayb qaadan lahaayeen sidii ay u noqon lahayd mid la tartanta dhinaca bilicda wadamada Horumaray.

Xubnaha Ururka ACDO ee ka warbixiyay waxqabadkooda ayaa sheegay in ay intii karaankood ah dadaaleen labadii sano ee la soo dhaafay wax badana ka qabteen Arimaha nadaafada waxbarashada, wacyi galinta iyo isku xirka bulshada , ayaga oo dhanka kalena xusay in ay wali ku howlan yihiin ka qeyb qaadashada howlaha horumarineed ee deegaanka.

Gebo-gebadii shirka aya, gudomiyaha Degmada Baargaal oo ku hadlayay magaca maamulka Degmada ayaa xubnaha Ururka ACDO uga mahad celiyay sida habsamida leh ee ay usoo diyaariyeen warbixintooda isla markaana uu maamulkooda la shaqayn doono gacana siin doono barnaamijyada ururka Acdo.


BAARGAAL NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain