Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Farmaajo oo dhaliilay qaabka loo soo magacaabay golaha cusub ee wasiirada Somalia

Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa madaxda dowlada federaalka ku eedeeyey iney danta shaqsiga ka hor mariyaan mida Qarankii ay u dhaarteen.

Farmaajo oo la hadlayey warbaahinta Muqdisho qaarkood isagoo ku sugan dalka Maraykanka ayaa sheegay in qaabka loo soo magacaabay golaha wasiirada ay ka muuqato nin jecleysi, laguna soo daray shaqsiyaad horey ugu caan baxay hurinta khilaafaadka madaxda dowlada.

“Waa Nasiib daro in madaxda dowlada ay kala garan la’yihiin danaha Qaranka iyo mida shaqsiga ah, labadii xukuumadood ee u dambeeyey wuxuu madaxweynuhu sheegay iney fashilmeen sidaasoo ay tahay wuxuu ku soo daray xukuumadan cusub shaqsiyaad badan oo fashilkaas qeyb ka ahaa” ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in danaha shaqsiga ah inta la horumarinayo aan la gaari doonin danta Qaranka wuxuuna xusay in madaxda dalka qaarkood ay had iyo heer shaqsiyaad gaar ah oo horey loo soo arkay ku naas nuujiyaan xilalka muhiimka ah ee Qaranka halkii la raadin lahaa dadkii ku haboonaa.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa talaabo qalad ah ku tilmaamay in urur goboleedyada, kuwa caalamiga ah iyo dalalka deriska ay ka qeyb qaataan dhismaha maamul goboleedyada dalka.

“Dastuurka kuma taalo in IGAD iyo wax la mid ah ay ka qeyb qaataan maamul goboleedyada federaalka ah ee dalka laga sameynayo, howshaas waxaa la rabaa iney wajahaan dowlada iyo shacabka degaanada loo sameynayo maamulada” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalka Farmaajo ayaa ku soo aadaya xili ay sii kordhayaan dhaliilaha loo jeedinayo golaha cusub ee xukuumada oo habeen hore uu ku dhowaaqay raisul wasaare Cumar C/rashiid.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Baargaal@gmail
Developed by Jago Desain