askari ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Deegaanka Hoosin gaabo

askari katirsan ciidanka Badda Puntland (PMF) ayaa geeriyooday afar kalane waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud kadib shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Hoosin-gaabo ee duleedka Magaalada taageer.

Dhawaca oo dhamaa afar askari oo dhaawacoodi fudud yahay waxaa lagu qaaday gaari ambalnce ah oo u qaaday dhinaca magaalada boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Halka maydka loo soo qaaday dhinaca Magaalada baargaal oo la qorshaynaayo in barito lagu aaso.

askarta Shilka Gashay ayaa wuxuu gaarigoodu ka mid ahaa gawaari sagootinaysay saraakiil iyo ciidamo deegaanka soo gaaray oo noqod ahaa shilkauna wuxuu ku dhacay soo noqodkoodi

jShilalka gawaarida ayaa ah kuwa ku badan dalka Soomaaliya, waxaana loo sababeeya waddooyinka oo xun iyo dareewalada aan khibrad u lehayn wadooyinka nocaas ah. BAARGAAL.NET

Developed by Jago Desain