faahfaahinta dhul-gariir ka dhacay meel badda dhexdeeda ah oo 126-km dhinaca woqooyi ka xigta magaalada bereeda

Dhul-gariir Cabbirkiisa lagu qiyaasay 4.9 Halbeegga lagu cabbiro dhul-gariirka, ayaa Talaadadii shalay gelinkii dambe abbaaro 4:30-kii ka dhacay Biyaha Gacan-ka Cadmeed, gaar ahaan meel u dhaw Xeebaha dalka Soomaaliya, kaasoo noqonaya dhul-gariirkii saddexaad ee toddobaadkan ka dhace Deegaan-badeedkaas.

waxaa warbixin kooban ku sheegtay sidaas Xarunta Macluumaadka Dhul-gariirrada Heer Qaran ee dalka Maraykanka, Dhul-gariirka, ayaa ka dhacay meel u dhaw Xeebaha Maamul-goboleedka Puntland, gaar ahaan meel 126-KM dhinaca Woqooyi ka xigtaa Degmada Bereeda ee Gobolka gardafuu oo ah halka uu ku dhammaado Cirifka Geeska Afrika oo ka tirsan deegaannada Puntland, halkaasoo ah meesha ugu dhaw goobta dhul-gariirku ka dhacay.

Macluumaadka iyo Xogaha ay baahisay Xaruntan, ayaa lagu sheegay in dhul-gariirku ka dhacay meel Badda hoosteeda ah oo oogada sare ee Badda u jirta masaafo dhan 10-KM.

Gunta  Dhul-gariirka, ayaa ah meel ay ku kala-bayraan Biyaha Badda Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, waana marin mashquul ah oo ay maraan Maraakiibta Ganacsi ee inta badan ku safra Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Illaa Immika ma jirto faahfaahin dhamaystiran ku saabsan Dhul-gariirka iyo inuu saamayn ku yeeshay Xeebaha Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Hase-ahaatee, toddobaadkan gudihiisa waa markii saddexaad ee Dhul-gariir laga dareemo Baddaas oo isla goobtaas ah, inkasta oo heerka Cabbirkiisu kala duwanaa, isla markaana kan ugu dambeeyey ugu sarreeyey.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari
Email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain