DEGDEG: Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho


Qarax gaari loo adeegsaday oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay magalaada Muqdisho, Qaraxan ayaa ka dhacay wadada shaqaalaha ee magaada Muqdisho.

warbaahinta muqdisho ku sugan ayaa tabinaya  in qaraxa lala beegsaday goob ku taal dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-mukarama.


Ka hor qaraxa, ayaa waxaa aaggaasi laga maqlay rasaas ay isweydaarsadeen Ciidamada Ilaalada Hotelka iyo raggii gaariga watay. Ilaalada waxay diideen in gaariga halkaasi la dhigo, iyadoo kuwii watayna ay rasaas ku jawaabeen. Rasaastaasi waxaa xigtay inay raggaasi qarxiyaan qarax saarnaa gaariga.

Ciidan fara badan oo ka mid ah Ciidamada Dowladda, ayaa xilligaan ku sugan wadooyinka soo gala hotelka, waxayna baarayaan qaabka uu qaraxaasi u dhacay iyo weliba cidii geysatay.

Ilaa saddex nin oo gaarigaasi la socotay, ayaa la soo sheegaya in ay baxsadeen, iyagoo ku baxsaday dhinaca xaafada Siigaale ee Degmada Hodan.
Wixii war ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doona.


SHABAKADA BAARGAAL.NET

ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
EMAIL: BAARGAAL@GMAIL.COM
Developed by Jago Desain