Munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka 8-da Maarso oo ka dhacday degmada Baargaal (Sawirro)

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka 8-da Maarso oo ka dhacday degmada Baargaal (Sawirro)
Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta lagu qabtay Degmada  Baargaal ee Gobolka Gardafuu , iyadoo lagu soo bandhigay halku dhigyo kala duwan oo lagu muujinayay doorka Haweenka ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta Hooyooyinka Degmada Baargaal ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Gobolka iyo Degmada uu ugu horeeyay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf , isuduwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka Gardafuu C/qaadir Maxamed Jaamac ( C/qaadir Caato)Taliyaha qaybta Gobolka Gardafuu Kornayl Maxamed xirsi Cumar , Gudoomiyaha Caafimaadka Degmada Baargaal Maama Istanbuul Cali aadan ururada haweenka ,Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Baargaal  iyo marti sharaf kale oo badan 
Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar axmed yuuusf oo ugu horeyn u hambalyeeyay haweenka Soomaaliyeed maalinta 8-da Maarso, isagoo sheegay in Haweenka ay udub dhexaad u yihiin Bulshada qeybaheeda kala duwan, la'aantoodna aan waxba suura galaynin , wuxuuna intaasi raaciyay gudoomiyuhu in waqti walba uu maamulku garab taaganyahay , isagoo amaan balaaran u soo jeediyay haweenka ku dhaqan degmada baargaalsida hagar la'aanta ah ay u muujiyeen waxqabadkooda sida nadaafada soo dhawaynta martida ayagoo dawr wayn ku leh horumarka ay ku talaabsatay degmada baargaal  .
intaasi kadib waxaa munaasabada ka hadashay Maama Istanbuul Cali aadan oo ah gudoomiyaha Caafimaadka Degmada kuna hadashay magaca Haweenka ayaa madasha ka jeedisay khudbad aad qiiro u leh ayadoo haweenka ugu baaqday inay dadaalkooda sii labalaabaan doorkoodii wataan wax walboo horumarka deegaanka ku saabsan 
Ugu dambeyn Haweenkii kasoo qeyb galay munaasabadan 8-da Maarso ee maanta ka dhacday Degmada Baargaal ayaa ku soo bandhigay halku dhigyo iyo suugaan, buraanburo iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ayagoo haweenku ku  labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka ay ugu talagaleen munaasabadn ay ku weyneynayeen maalinta 8-da Maarso.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain