SAWIRO: WASIIRKA CAAFIMAADKA DOWLADA PUNTLAND OO KA QAYB GALAY XUSKA MAALINTA QAAXADA ADUUNKA OO DEGMADA BAARGAAL LAGU QABTAY

WASIIRKA CAAFIMAADKA DOWLADA PUNTLAND OO KA QAYB GALAY XUSKA MAALINTA QAAXADA ADUUNKA OO BOOSAASO OO DEGMADA BAARGAAL LAGU QABTAY
Munaasabad siweyn loo soo agaasimay laguna xusayay maalinta Qaaxad Adduunka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu.

Munaasabada xuska maalinta Qaaxada Adduunka ee lagu qabtay guriga hooyooyinka Degmada Baargaal ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin badan oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Axmed Saadiq Maxamed axmed Shirwac ( Dr. Saadiq eenow) , Masuuliyiinta iyo Maamulka Gobolka Gardafuu oo uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu maudane C/qaadir Iidi ,Maamulka Degmada Baargaal , Gudoomiyaha Caafimaadka Degmada Baargaal Maama Istanbuul Cali aadan , masuuliyiin ka socday hay'adaha Caalamka waxgarad, Dhakhaatiir, Ganacsato, Haween, dhalinyaro, Qurba-joog iyo marti sharaf kaleoo badan.

Dhamaan masuuliyiinta madasha ka khudbeeyay ayaa ka hadlay khatarta cudurka qaaxada uu ku hayo Deegaanada Puntland iyo dhaamn dadka Soomaliyeed ee ku nool gobolada dalka Soomaliya iyo sidii looga qayb qaadan lahaa ladagaalanka cudurkaas dilaaga ah .

sidoo kale waxaa ka hadashay munaasabada Gudoomiyaha Caafimaadka Degmada Baargaal Maama Istanbuul Cali aadan oo soo bandhigtay warbixin dheer oo ku saabsan xaalada xarumaha caafimaadka Degmada iyo baahiyaha Caafimaad ee ka jira Deegaanka , ayadoo codsatay in loo baahanyahay in dawladu ay deegaanka u soo dirto khuburo caafimaad, oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad ama dhalinta Deegaanka la soo tababaro oo aqoontooda kor loo qaado.

Dr. Cali Xasan Aw-Cismaan oo ah agaasimaha barnaamijka xakameynta Qaaxada ee Puntland ayaa bulshada gobolka Gurdafuu ku dhirigeliyay inay ka digtoonaadaan khatarta cudurkan, Isagoo ku booriyay cid walba oo xanuunka qabta inay tagto xarumaha laga dhisay gobolka si looga daaweeyo.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq eenow oo soo xiray munaasabada ayaa sheegay in wasaaradu il gaar ah siin doonto goobaha laamiga ka fog sida Baargaal, isagoo balanqaaday in dadaal ku hari doonin sidii loogu is taagi laha wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee ka jira degmada.

intaasi kadib ayaa wasiirka Caafimaadka Puntland wuxuu xariga ka jaray cusbilaaka TB-da Degmada Baargaal asagoo Kormeer ku sameeyay qaybaha uu ka koobanyahay Cusbataalka iyo sida ay shaqadu uga socoto.

Maanta ayaa waxaa caalamka laga xusaa maalinta qaaxada aduunka “World TB day” waxaana u dhinta maaliyin qof sanad walbaa cudurka qaaxada waxaana uu kamid yahay cudurada dadka Soomaliyeed ku dhaca.










SHABAKADA BAARGAAL.NET

ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain