Wasaaradda Haweenka Puntland oo soo Gaba-gabeysay Shirkii Samaynta Siyaasada Caruurta Dayacan

Wasaaradda Haweenka Puntland oo soo Gaba-gabeysay Shirkii Samaynta Siyaasada Caruurta Dayacan

Waxaa Qolka Shirarka ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ee Magaalada garoowe ee caasimada puntland lagu soo gabagabeeyay shir soconayay muda dhan 6maalmood oo ku saabsanaa Hirgelinta Siyaasada Daryeelka Caruurta Dayacan.

Inta uu socday shirkani ayaa lagaga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Hirgelinta siyaasad lagu hagayo Caruurta Dayacan iyo Agoonta iyadoo la raacayo waxa ay ka qabaan shareecada islaamka iyo dustuurka Puntland.

Helitaanka Caafimaad ,Waxbarasho iyo xuquuqda aasaasiga ah ee caruurta da'doodu tahay 15 sano iyo wixii ka hooseeya ayaa looga hadlay shirka caruurtaas oo isku jira Agoomo,Darbijiif iyo kuwo aan labadababa ahayn oo aan helin xuquuqdooda sida Caruurta la nool waalidiin danyar ah oo aan fulin Karin xaquuqda caruurtooda sida Xanaanaynta,Daawaynta iyo geynta goobaha waxbarashada.

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo kaashanaysa Hay'ada UNICEF ayaa fulisay Qabsoomida Shirkan oo ay kasoo Qayb galeen qaar kamid ah Madaxda Wasaaraddaha Puntland,Waxgarad,Culumaau'diin Waalidiin
Sarkaal kasocday hey ada uncief oo lagu magacaabo sakariye ibraahim ayaa faah faahin kooban kabixiyay ujeedada shirka siyaasad usameynta daryeelka caruurta wuxuuna sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga doonayo siyaasadan inay tahay sidii loo heli lahaa siyaaasad midaysan oo ay yeeshaan caruurta Soomaalida meel kastoo ay joogaan.

Agaasimaha Waaxda Daryeelka Caruurta ee Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland marwo Aamino Maxamuud Nuur ayaa sheegtay iney u rajeyneyso siyaasadani inay noqoto mid baahda oo miro dhal noqota, Agaasimaha Waaxda Daryeelka Caruurta ayaa waxa ay codsi usoo jeedisay Hay'ada UNICEF iyo hay'adaha kale ee ka shaqeeya Barnaamij yada Daryeelka caruurta inay kala shaqeeyaan baahinta siyaasadani si looga gudbo dhibaatada heesta caruurta loona gaaro xal.

Ugu danbeyntii waxaa shirka soo gabagabeeysay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyksa Puntland marwo Anisa cabdulqadir Xaaji Muumin oo sharxaad kabixisay ahmiyada siyaasad usmaeynta daryeelka caruurta dayacan sida agoomaha iyo darbijiifyda iyo kuwa lamid ah Waxayna Wasiir Anisa ku boorisay in siyaasadani si deg deg ah loo hirgeliyo loona wada istaago lagana wada qayb qaato baahinteeda,

Wasiir Aniso ayaa intaa ku dartay maadaama Wasaaradda Haweenku Aasaasidda iyo hirgelinta siyaasadani ay hormuud u tahay inay ay la wadaagi doonaan Wasaaradaha kale ee Dowlada puntland iyadoo ugu danbeyntii ay horgeyn doonaan Golaha xukuumada puntland si loo Ansixiyo

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain