DEG DEG: Dooni ay la socdeen ajaaniib oo gacanta u gashay Al-shabaab

Wararka ka imaanaya degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Kooxda Al-shabaab ay qabteen dooni ay la socdeen rag ajaaniib ah.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in dadka ajaanib ah ee la qabtay tiradooda ay gaarayaan ilaa iyo 13 ruux oo u dhashay dalka Iran, kuwaasi oo la socday doonida.

Qabashada doonidaasi kadib ayaa waxaa la sheegayaa in halkaasi uu gaaray Gudoomiyayaasha Maleeshiyada ugu magacaaban Degmooyinka Galcad iyo Ceel Dheer oo halkaasi ka kaxeeyay Ajaanibtii la soctay doonida.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaan weli ka hadal gacan ku dhigida shaqaalahaasi u dhashay dalka Iran oo ay qafaasheen, iyadoona aysan jirin cid ilaa iyo iminka og halka ay ula dhaqaaqen Ajaanibtaasi.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain