Wasaaradda Haweenka Puntland oo dhamaystirtay siyaasada daryeelka caruurta tabaalaysan ( COD + SAWIRO)

Wasaaradda Haweenka Puntland oo dhamaystirtay siyaasada daryeelka caruurta tabaalaysan ( COD + SAWIRO)
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arimaha Qoyska Dowladda Puntland ayaa dhamaystirtay siyaasada xanaanaynta caruurta aan daryeelka haysan ee ku nool deegaanada Puntland.

Siyaasadaan oo soo soctay ilaa 2014-ka ayaa waxaa hogaaminaysay Wasaarada Haweenka Puntland oo kaashanaysah wasaaradaha bahwadaagta iyo ururada daneeya siyaasadaan ee u dhaqdhaqaaqa daryeelka caruurta aan xaanada Haysan.

Wasiirka Wasaarada Haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay in ay jiraan caruur badan oo isugu jira rajo,agoon iyo kuwa aan dayeel helin waxaana ay sheegtay in siyaasadaan ay wax badan ka badali doonto caruurtaas aan daryeelka haysan ee ku dhaqan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Madaxa Hay,ada UNICEF ee Puntland Mrs Mariyam ayaa sheegtay nuxurka siyaasadan uu yahay in ay xaqiijiso in caruurta aan haysan daryeelka qoyska ama midka waalidka loo meel mariyo in ay helaan daryeelka ay u baahan yihiin sida hoyga,caafimadka iyo waxbarashada.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Dowlada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in dowlada ay waajib ku tahay in ay daryeesho caruurta dayacan waxaana uu sheegay in siyaasadaan ay mustaqbalka waxbadan ka badali doonto xaalada caruurta aan daryeelka haysan ee ku dhaqan Puntland.

Siyaasadaan ayaa wasaaradu u gudbinaysaah Gollah wasiirada Puntland oo ka doodi doona iyadoo kadibna loo gudbin doono baarlamaanka si ay u meel mariyaan waxaana markii ugu horaysay oo wasaaradu ay hirgaliso siyaasada daryeelka Caaruurta aan daryeelka haysan.

halkaan ka dhegeyso codka wasiirada 



SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbarri 
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain