Wasiirka cusub ee waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo maanta la wareegay xilkiisii (Sawrro)

Wasiirka cusub ee waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Abshir Aw-Yuusuf Ciise ayaa maanta si rasmi xilkiiisii ugala wareegay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland.

Munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta wasaaradda wasaaradda ayaa waxaa kasoo qeyb galay howlwadeenada wasaaradda waxbarashada, xildhibaano ka socday barlamaanka iyo hay’adaha bahwadaagta la ah wasaaradda

Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo ah gudoomiyaha arrimaha bulshada balamaanka Puntland ayaa bogaadiyay waxqabadka wasaaradda waxbarashada, wuxuuna wasiirka cusub u rajeeyay inuu horey usii dhaqaajiyo shaqada wasaaradda.

Wasiirka waxbarashada Dr. Abshir Aw- yuusuf Ciise ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay mas’uuliyada uu la wareegay, wuxuuna ammaanay howlwadeena wasaaradda waxbarashada oo gacmo furan kuso dhoweeyay.

Hay’adaha taageerada waxbarashada Puntland ayaa balanqaaday inay si dhow ula shaqayndoonaan wasiirka cusub ee badalay Dr Cali Xaaji Warsame








SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain