Posts

Daawo Sawirada :Markii uu Madaxweyne Obama kasoo degay Garoonka Nairobi iyo Gabar Walaashiis ah oo Inna Hussein Obama ah oo

Madaxweynaha Maraykanka Brack Hussein Obama markii caawa kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi waxaa markii uu Jaranjarta Diyaaradda kasoo dhaadhacay ugu horayn Ubax aad u qurux badan kusoo dhawaysay oo gacanta u galisay Gabar yar oo dhar cadcad loogu soo labisay taas oo uu Madaxweyne Obama salaamay sawirana la galay kadibna waxaa shafka galiyay oo salaamay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo isaganu halkaasi ugu sii diyaarsanaa.

Kadib markii labada Madaxweyne salaantoodii dhamaysteen waxuu Salaamay oo mid mid u gacan qaaday Mr Obama Xayn Wasiirada Kenya u badnaa oo saf dheer goobta ku taagnaa, waxaa dadkaas safka dheer ku sugayay kamid ahayd Gabar Walaashiis ah oo Inna Hussein Obama ah taas oo markii uu Brack soo gaaray ay Shafka isku salaameen aadna isugu marxabeeyeen.

Intaas kadib waxuu Madaxweyne Obama saxiixay Book-ga loogu tagay galay Martida khaaska ah ee aad loo xurmeeyo oo isna goobtaasi lagu sii diyaariyay, intaas waxii ka dambeeyayna waxaa Madaxweynaha Garoonka lagaga soo saaray Gaari khaas ah oo meesha loogu sii diyaariyay.







SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain