Posts

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo si rasmi ah maanta u furay shirka wada-tashiga iyo midnimada Beelaha Puntland [Sawiro]

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka wada-tashiga Puntland oo ay ka qayb-galayaan ergo ka socota shantii gobol ee horay Puntland u dhistay.

250 ergo ayaa shirka ka qayb-galaya,waxaana laga dhex xulay 5 ergo oo ka qayb-qaadanaya shir guddoonka wada-tashiga Puntland oo socon doona muddo shan maalin ah.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubno ka socda golayaasha dowladda ayaa shirka ka qayb-galaya,waxaa kalo goob-joog ah siyaasiyin hore iyo saraakil ka socda xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga farsamada ee shirka wada-tashiga Puntland,Maxamuud Xaaji Saalax oo ugu horreeyn furitanka shirka ka hadlay waxuu faah faahin ka bixiyay qodobbada la doonayo ergadu inay ka wada-hadlaan muddada shirku socdo.

Shirka waxaa looga hadlaya saddex qodob oo kal ah.
1- Dib u eegista billowgii Puntland iyo xilligan halka la doonayo inay tagto Puntland
2- Dib ugu noqoshadda kheyradka Puntland
3- Puntland sidii ay uga gudbi lahayd hanaanka qabaa'ilka oo loo gudbayo hanaanka asxaabta badan.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain