Posts

WAR DEG DEG AH:- Caasimadda Puntland Oo Duq Cusub loo doortay

Waxaa soo gaba gabowday doorashadii Golaha deegaanka Degmada Garoowe ay ku dooranaayeen Duqqa Degmada Garoowe iyo ku xigeenadiisa taas oo maanta ka dhaceysay hoolka shirarka PDRC ee magaalada Garoowe.

Doorashada oo aheyd Mid xiiso badan lana wada sugayay natiijadeeda ayaa yeelatay sedax wareeg, waxaana wareegii labaad u gudbay 3 musharrax oo kala ah
1. Axmed siciid Geele Shoodhe
2. Cawil Shiikh Xaamid
3. Xasan Goodir, kuwaas oo ku tartamay wareega labaad.

Wareega sedaxaad oo kama dambeys ahaa ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Cawil Shiikh Xaamid iyo Xasan Goodir,

Xasan Maxamed Ciise "Xasan Goodir" oo helay 15 cod wareeggii Seddexaad ayaa ku guulaystay inuu noqdo Gudoomiyaha Degmada Garoowe ahna Duqa agaalada.

Duqa cusub ee degmada Garowe ayaa ka mid ah Ganacsatada reer Puntland,wuxuuna leeyahay shirkadda dhismaha wadooyinka ee (PCC).

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain