Xaflad Lagu Daah Furayay Sanad Dugsiyeedka waxbarasho ee Dugsiyada Hoose dhexe iyo Sare Oo Maanta Ka Dhacday Magaalda Baargaal + Sawiro

Xafladdan oo ay soo agaasimeen bahda waxbarashada Degmada Baargaal iyo maamulka iskuulada ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Maamulka Degmada oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada abukar axmad yuusuf, maamulka dugsiyada Hoose Dhexe iyo sare Iyo Macalimiinta , Madax Dhaqameed uu ka mid ahaa Nabadoon Buruuj cali axmad. waalidiin iyo arday iyo marti sharaf kale .

Maamulka labada Iskuula ee hoose Dhexe iyo sare oo ugu horeyn xafladda ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee iskuulada, iyagoo intaa ku daray in dhismaha Dugsiga hoose Dhexe ee Degmada Baargaal oo arday badani dhigataan uu u baahanyahay dayactir Deg deg ah ayagoo ugu baaqay hayadaha waxbarashada ka shaqeeya iyo Maamulkaba inay arintaas wax kala qabtaan.

Maamulada iskuulada oo laga dhageysanay warbixin ku saabsan sanad dugsiyeedkii hore iyo diyaargarowga sanadka cusub oo furmaya 8 bishan ayaa sheegay in marka ay iskaashadaan oo Xiriir joogta ah uu dhexmaro Macalinka iyo Waalidka in Waxbarashada deegaanku ay meel sare gaari karto islamarkaana la helayo ardey Dhinac Waliba ka dhisan.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay gudomiyaha gudiga waxbarashad degmada Baargaal c/laahi muuse cali asagoo ka sheekeeyay marxaladihi ay soo mareen labada dugsi, hoostana ka xariiqay in wax badan laga qabtay caqabado horay ula soo gudboonaaday iskoolada maantana ay ilaahay mahadiis tahay in ilaa fasalka 12 laga dhigto Magaalada Baargaal.

Intaasi kadib ayaa gudiga waxbarashada iyo maamulka labada iskuul waxay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar axmad yusuf ( Abuukar indhacade) oo dawr wayn ka qaatay horumarka waxbarasha Degmada Baargaal.

Si kastaba ha ahaate xafladan ayaa ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan, iyadoo xaflada badankeedu salka ku haysay waano iyo dardaaran loo jeedinayay ardayda dhigata labada iskool ee Hoose/Dhexe iyo Iskuulka sare ee Degmada Baargaal.









SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain