Nin u dhashay Uganda oo xubinta taranka iska jaray markii jaceylkiisii ay nin kale ka raacday (SAWIRRO)

Nin u dhashay Uganda oo xubinta taranka iska jaray markii jaceylkiisii ay nin kale ka raacday (SAWIRRO)
Dhacdadan, ayaa waxay ka dhacday Magaalada Kayunga, ka dib markii dhibanaha uu ka maseeray haweeney ay wada socdeen, oo sida la sheegay ka raacday nin kale.

Dhacdadan, ayaa argagax gelisay dadka deegaanka, waxayna noqotay sheekada loogu hadalhaynta badan yahay dalkaasi, iyadoona ay si weyn wax kaga qortay Warbaahinta Uganda.
Dadkii deriska la ahaa oo qayladiisa isugu soo baxay, ayaa kula cararay isbitaalka, xilli uu si weyn u dhiig baxay, iyadoo xaaladiisuna tahay mid garaab ah.

Bosco Ssebagala oo nin beeraley ah, ayaa aad uga xumaaday markii haweeneydii uu jeclaa oo lagu magacaabo Jane Nabisere, ay ka raacday nin kale.

Hooyada dhashay ninkan oo lagu magacaabo Zewuliya Nantamu, ayaa sheegtay in wiilkeeda uu isku buuqay, markii uu maqlay in haweeneydii uu jeclaa ay ka raacday nin kale, taasina ay soo dedejisay in xubintiisii taranka ahayd uu iska jaro.
Waxay kaloo sheegtay in isagoo careysan uu dukaan ka soo iibsaday sakiin, deetana uu ku dhiiraday in xubinta taranka uu iska jaro.

Zewuliya Nantamu oo wiilkeeda ku wehlinaysa isbitaalka, ayaa Warbaahinta u sheegtay in dhakhaatiirtu ay ka deyrinayan xaaladda uu ku sugan yahay



SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain