Posts

War degdeg ah: hal askari oo ku dhintay israsaaseen dhexmartay Ciidanka ilaalada wasiirka maaliyadda Puntland

Hal askari oo kamid ah ilaalada wasiirka maaliyadda Puntland Cabddullaahi Sheekh Axmed ayaa dhintay kadib is rasaasayn dhexmartay ilaalada wasiirka, taasoo ka dhacday hoyga uu wasiirku ka dagan yahay magaalada Garowe.

Wararka ka imaanaya Garowe ayaa sheegaya in wasiirka maaliyadda puntland laga kaxeeyay gurigii sasababo la xiriira amnigiisa.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta ka dambeysay israsaasyantan, waxayna kusoo beegmaysaa xilli wasiirka maaliyadda uu maanta dib ugusoo laabtay Garowe.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain