(Sawiro) Weerarkii Hotel Suxufi oo ku Geeriyoodeen Masuuliyiin Gaaraya 12

Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Hotel Suxufi oo kamida Huteelada Ugu waawayn Muqdisho,waxana Halkaas ku geeriyooday 12 Oo qof oo u badan Masuuliyiin katirsan Dowlada.

Dadka ku Geeriyooday Huteelka ayaa waxaa kamid ahaa xildhibaan Abtidoon iyo Mulkiilaha huteelka C/rashiid Shire Il-Qayte,waxaana ku jiray Amaan duulihii hore ee Ciidanka Xooga Somaliya Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan] Iyo Suxufiyiin.

"Kooxaha weerarka qaaday gaari miineysan ayay albaabka hoteelka ku jabiyeen, markii uu qaraxu dhacayna waxay gudaha u galeen hoteelka, iyagoo illaa hadda ay ku jira hoteelka gudihiisa," sidaas waxaa yiri C/rashiid Daahir oo ka tirsan saraakiisha.

sidoo Kale Sarkaalka oo u Hadalkiisa sii watay ayaa yiri sidan "Innagu illaa hadda waxaan ognahay inay ku dhinteen weerarkan 12 qof, balse ma sheegi karo sida ay kala yihiin." wuxuuna weerarkaas ku sifeeyay Mid lagu khal khal galinayo amaanka Magaalada Muqdisho. Docda kale waxaa Masuuliyada Weerarka Sheegtay Kooxda alshabaab iyagoo sheegay inay wali ku jiraan gudaha Huteelka. "Alle mahaddii waxaa ah in xoogaggeennau ay qabsadeen dhismaha hotel Saxafi oo dhan, kaasoo ay deggenaayeen xubno ka tisran dowladda Somalia iyo xubno ka tirsan dalalka soo duulay," ayuu afhayeenka Al-shabaab Sh. C/casiis Abuu-Muscab ku sheegay hadal uu siiyay warbaahinta Al-shabaab.

Hotelkan la weeraray ayaa ka mid ah hotelada muhiimka ah ee ku yaala faras magaalaha, kaasoo ay degan yihiin mas'uuliyiinta dowladda iyo dadka qurbaha ka yimid.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain