War Deg Deg ah :Labo kamid ah golaha wasiirada oo caawa xilalkii laga qaaday

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa caawa xil ka qaadis ku sameeyay laba Wasiir, iyadoo dhinaca kalana uu soo magacaabay laba kale.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa xilalka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga& Warshadaha, C/raxmaan Cabdi Cismaan iyo Wasiirkii Wasaaradda Korontada& Biyaha, Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow).

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa magacaabay C/laahi Maxamed Axmed oo noqonaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga& Warshadaha iyo Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Korontada& Biyaha.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa ahaa Safiirkii hore ee Somaliya u fadhiyay dalka Turkiga, oo xilkaasi laga qaaday bartamihii sanadkan, iyadoona booskaasi loo magacaabay C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain