Yusuf maxamed shabeel: waxaan ugu baaqayaa waxgaradka iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka in lagu tageero duqa dagmada caluula howsha ka dhanka ah kalluumaysiga sharci darrada ah

Mudane Yusuf maxamed shabeel oo ku magac dheer sayidka oo ku sugan dalka sweden kana mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobolka Gardafuu ayaa shabakada Baargaal.net la yeelatay waraysi kooban oo ku saabsan kalluumaysiga sharci darada ah iyo xaalufka ba'an ee lagu hayo xeebaha deegaanka

shabakada Baargaal.net ayaa marka hore sayidka waydiisay waxa ku kalifay inuu wakhtigan ka hadlo kalluumaysiga sharci darada ah iyo xaalufka lagu hayo badda soomaaliya gaar ahaan xeebaha gobolka Gardafuu?

Sayidka ayaa ku jawabay inay ku kaliftay marki uu arkay shaqo la'aanta ku dhacday dhalintii badda ka shaqaysan jirtay markii uu wareestay waxay u sheegeen in uu xaalkooda nololdeed uu aad u liito lagana afqabateeyay baddi ay ka kalluumaysan jireen wuxuu ku daray inuu ugu baaqayo odayaasha , waxgaradka iyo masuuliyiinta kale inay qaadaan talaabo dag daga oo ay ku tageeraan hawsha duqa dagmada caluula ku dhawaaqay ee ah soo afjarida xalufinta badda iyo kalluumaysiga sharci darada ah

sayidka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri " Waxaa jira dhalin badan oo ka xoog San jirtay badda oo hadeer qarkood soo tahriibay kuna silicsan itaaliya iyo liibiya dhalintaas waxay ii shegeen in ay haatan xataa awoodin inay dabiraan nolal maal moodkooda marka taasi waxay kalifi kartaa xataa amaan daro iyo in ay dhalintu ku kacaan falaal danbiyo ah oo khatar galin karta amaanka isu socodka xagga bada ee geeska afrika.

Sayidka ayaa ugu baaqay Dowlada puntland iyo dhamaan wasaaradaha ku shaqa leh inay si degdeg ah wax uga qabtaan masiibadaas asagoo u soo jeeday haday dawlada puntland wax ka qaban waydo dhalinta gobalka gardufuu in ay ukacaan difaaca badooda oo ay taalabo dagdaga ka qaadaan jirifka xasuuqaya badooda.

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa ka dhacayay dhamaan gobolka Gardafuu madaharaado iyo kacdoon looga soo horjeedo kalluumaysiga sharci darada ah iyo xaalufka ba'an ee lagu hayo xeebaha deegaanka iyadoo uu gudoomiyaha Degmada caluula uu soo saaray bayaan uu ugu digaayo kaluumaysata sharci darada ah inay muddo gaaban uga baxaan xeebaha ku teedsan gobolka Gardafuu

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain