Agaasimaha wasaarada deegaanka Puntland oo kawarbixiyey shirar uu kaga qayb galay nairobi

Cabdrisaaq max,ed cali agaasimha guud ee wasaarada deegaanka puntland oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka waramey shirar uu Nairobi kula yeeshay hay,adaha bah wadaagta yihiin wasarada deegaanka ,waxaana shirka intii socday uu sheegay in lagu falanqeeyay arimaha deegaanka iyo sidii wasaarada degaanka looga caawin lahaa barnaamijyada wacyi galinta deegaanka la xiriira.

Agaasimhaa gud ee wasaarada deegaanka ayaa tilmamey in ay dhawaan bilaabayaan dhireyn ay ku sameynayaan magalooyinka puntland si loo helo deegaan qurux badan ,waxaana uu caraba ku dhuftey in wasarada deegaanka hada wado mashaariic kala duwan oo deegaanka lagu ilaalanayo.

wasaarada deegaanka dalxiiska iyo Duurjoogta puntland ayaa wada masharaiic balaaran oo lagu tala galay ilaalinta deegaanka waxaana hada socda wacyi gaino bulsada lagu fahan siinayo dhibaatada degaanka loo geysto iyo bulshada kaalinta looga bahan yahay in ay kaqataan si loo helo deegaan qurxoon .

BAARGAAL.NET
Isha wararkavhorumarka calbari

Developed by Jago Desain