Shirkado Maalgashi oo Maalgalin ku samayn doona Kalluunka,Hargaha iyo Washadaha Cabitaanka oo soo gaaray magalaada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari

Laba Shirkadood oo Maalgalin ah ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,xilli dhismaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso uu marayo heer gabagabo ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indhaguran oo la hadlay Saxaafadda,ayaa sheegay  in shirkadahan ay Maalgalin ku samayndoonaan Kalluunka,Hargaha iyo Washadaha Cabitaanka.

‘’Shirkadihii aan u yeernay Maalgashiga waa yimaadeen,waxaa hadda Boosaaso jooga laba shirkadood oo Maalgalin samayn doona dhinaca Kalluunka,Hargaha iyo Warshadaha Cabitaanka’’Ayuu yiri Wasiirku.

Wuxuu intaas ku daray….‘’Waxaan rajaynayaa in shirkadahaas ay isbadal fiican ku samayn doonaan dhinaca Wax soo saarka iyo shaqo abuurka’’.Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa sheegay in dhinca kale ay dalka Itoobiya si toos ah u bilaabeen inay Ganacsatada puntland ka qaataan Kalluunka,wuxuuna xusay in arrintaasi ay tahay fursad wayn oo uso hoyatay bulshada reer Puntland.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI

Developed by Jago Desain