Posts

Banaanbax looga soo horjeedo Reer Koonfur oo Qardho ka dhacay iyo dhac loo gaystay Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Dadka ka soo jeeda Gobolada Koofureed

Banaanbax Rabshado wata ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Qardho ee Gobolka karkaar kaas oo looga soo horjeedo dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee halkaa ku sugan.

Dibadbaxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 4 Qof kadib Markii Dadka Dibadbaxa dhigayay ay Dhagxaan iyo Biro ku tuureen Mehrado ay leeyihiin dadka ka soo jeeda Gobolada Koofnureed .

Wararka ayaa intaa ku daraya in Banaanbaxayaasha ay boobeen Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Dadka ka soo jeeda Gobolada Koonfureed.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka dawlada Puntland oo ayagu horay uga digay mudaharaadka falceliska ah

wali si dhab ah looma oga wax keenay in la beegsado Dadka Soomaaliyeed ee Gobolada Koofureed ka soo jeeda laakin waxaa jira carro iyo xanaaq bulshada dhexdeeda kadib markii qof gobolada koonfur ka soo jeeda uu isku qarxiyay hotel ku yaal magaalada Galkacayo ee xarunta Gobolka mudug

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Developed by Jago Desain