Warbixin : Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya Hanaanka doorashada Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya Hanaanka doorashada Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya & Guddoonku ay maanta yeelan doonaan wada hadalo xasaasi ah oo ay uga hadlayaan arrimaha doorashada Soomaaliya iyo go’aamadii ay gaareen Hogaamiyaasha Siyaasadda ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa lagu qaban doona Xarunta Villa Hargeysa oo uu degan yahay guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya Max’ed Sh Cismaan Jawaari, waxaana dooda ugu badan ay ka dhici doontaa qodobada la xariira soo xulitaanka xubnaha cusub ee baarlamaanka Faderaalka.

Mid kamid ah ka qeybgalayaasha shirkan ayaa sheegay in ay dhici karaan in wax ka bedel ku sameeyaan qodobadii lagu heshiiyey qaarkood, gaar ahaana kuwa la xariira Aqalka Sarre oo ay sheegeen in aan waxba laga siin magaalada Muqdisho, taas oo ah mid xiisad hor leh abuuri karta.

Jeylaani Nuur Iikar oo ah guddoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka hadda jira ayaa shalay u sheegay mudanayaasha baarlamaanka in qodobada ugu badan ee laga doodi doono ay noqon doonaan hanaanka doorashada ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in markaas ka dib cod loo qaadi doono loona soo gudbin doono Xildhibaanada baarlamaanka Faderaalka.

Shirarkan socda iyo arrimaha baarlamaanka ayaan aheyn kuwa horey loogu qeexay Jadwalka iyo Habraaca doorashada Soomaaliya, waxaana muuqata in ay tahay dibir kale oo siyaasadeed, taas oo shaki la’aan xiisad cusub ka abuuri doonta geedi socodka doorashada Soomaaliya.

SHABKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain