Degdeg: Ilaalada wasiirka warfaafinta Puntland oo caawo jirdil ugeystay tifafatirihi Radio Daljir

Degdeg: Ilaalada wasiirka warfaafinta Puntland oo caawo jirdil ugeystay tifafatirihi Radio Daljir
Ciidanka Ilaalada gaarka ah ee wasiirka warafaafinta dowladda Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa caawo jirdil xoogan ugeystay tifatirihii Radio Daljir Cabdi Fitaax Cumar Geeddi.

Cabdi fitaax Cumar Geedi ayaa sheegay isagoo marayay guriga wasiirku ka degan yahay Garowe wado hormarta inay joojiyeen ciidanka wasiir soocade kadibna ay gaariga kala degeen kuna bilaabeen inay ku garaacaan qoryaha afkooda iyo kursigooda.

Lamana oga waxa keenay arintaran balse waxay kamid tahay dhibaatada iyo hagardaamada wasiir soocade uu ku hayey saxaafada tan iyo markii xilkaas loo magacaabay.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka warfaafinta Puntland ugu hanjabay wariyayaasha Puntland inuu kula dhaqaaqayo dil iyo xarig.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain