Wasaaradda Ganacsiga Puntland oo Sameysay Waax la socota Tayada Badeecadda dalka soo gasha

Wasaaradda Ganacsiga Puntland oo Sameysay Waax la socota Tayada Badeecadda dalka soo gasha

Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay sameyneyso Koontrool ama fayadhowrka taas oo ku aadan ilaalinta tayada badeecadaha laga keeno dibadda kuwaas oo markii hore aan jirin cid kontrol ku sameysa.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Dowladda Puntland C/weli indha guran ayaa sheegay in waaxdan ay tahay mid muhiim ah islamarkaana ay wasaaraddiisu dadaal ugu jirto sidi ay u eegi laheyd tayadda Badeecadaha dalka soogala.

“Wasaaraddu waxay sameysay waaxda Fayadhowrka Puntland, waaxdaas waxaa laga ansixiyay golaha Baarlamanka iyo golaha wasiirrada, waxan ka qeyb galnay laba shir oo arintan an ka qabanay, wayna howlgaleysa” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Ganacsiga Dowladda Puntland C/wali Xirsi Indhaguran.

Developed by Jago Desain