Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo si wayn loogu soo dhaweeyay Gobolka Haylaan

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo si wayn loogu soo dhaweeyay Gobolka Haylaan
wasiirka Haweenka iyo horumarinta Arimaha Qoyska Dawlada Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada dhahar ee xarunta gobolka haayland 

wasiir anisa C/qaadir xaaji muumin ayaa waxaa soo dhawaynteeda ka qayb qaatay wasiirka xanaanada xoolaha puntland , maamulka Gobolka , Kan degmada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magalaada dhahar ayagoo uga hortagay wasiirada meel magaalada u jirta 5 kilo mitir.

wasiir anisa C/qaadir xaaji muumin oo ka hadashay munaasabada soo dhawaynta ayaa ugu horayn u mahad celisay masuuliyiintii iyo  bulshadii soo dhawaysay 

wafdiga wasiir anisa ayaa intaasi kadib loo soo galbiyay gudaha magaalada ayadoo munaasabad loogu qabtaty guriga martida ee magaalada dhahar 

masuuliyiin badan oo ka hadlay munaasabada soo dhawaynta wafdiga wasiirada ayaa tilmaamay inay u tahay maalin taariikhi ah oo  farxad wayn ayadoo noqotay wasiir anisa C/qaadir xaaji muumin wasiirdii ugu horaysay oo dawlada puntland ah oo timaada gobolka haylaan 

wasiir anisa C/qaadir xaaji muumin oo ugu danbayn soo afjartay munaasinibada soo lagu soo dhaweeyay inay xooga saari doonto hawlaha bini aadanimo ee ka jira gobolka gaar ahaan arimaha haweenka ayadoo sheegtay inay sharaf u tahay inay maantay u timaada bulshada dhahar oo ay ku tilmaantay meel ay dawlada puntland ku xisaabtanto , amni ah lana imaan karo 


Developed by Jago Desain