Koox Daacish ka tirsan oo La wareegay Qandala

Koox Daacish ka tirsan oo La wareegay Qandala



Sida uu Sheegay Gudoomiyaha Dagmadda Qandala ee Gobolka Bari, Jaamac Maxamed Khuurshe, Xoogag ka Tirsan Islaamiyiinta Kooxda Daacish ayaa la wareegay magaaladaasi

Magaaladda qandala oo Ah Magaalo xeebeed qadiimi ah ayeey ciidamadani saaka soo galeen Subixii Hore, Ayagoona isku kala Balaariyay Xaafadaha Kala duwan ee ay ka koobantahay,

Gudoomiyaha Qandala ayaa intaas ku daray in meelaha muhiimka ah ee magaalada ay la wareegeen ciidamadan, ayagoo calankooda ka taagtay Halkaasi

Wuxuu dhinaca Kale sheegay in Tirada Ciidamada Halkaasi Tagay ay gaarayaan 50-Askari, Kuwaas oo markii hore ku sugnaa Goob Aan sidaasi magaalada Oga fogeyn.

Dadka Qandala ayaa inta badan ka ka shaqaysta kallumaysiga waxaana la soo sheegayaa in halkaasi ay saaka isaga Qaxeen

Arintan ayaa waxey ku soo beegmaysa Xilli Uu Madaxweynaha Pwaxaana la soo sheegayaa in halkaasi ay saaka isaga Qaxeenuntland C/wali maxamed cali Gaas Ku Suganyahay Magaaladda Bosaso ee Gobolka Bari

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain