Posts

Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Oo Kaga qaybgalaysa Dalka Urdun Shir Arimaha Haweenka Looga Hadlayo

Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska dowlada Puntland ayaa waxaa ay u anbabaxday dalka Urdun halkaasi oo ay uga qayb galayso shir looga hadlayo arimaha hormarinta haweenka iyo qoyska waxayana wasiiradu ka heshay shirkaa casumaad rasmi ah.

Shirkaan oo ay agaasimayso hay,ada UNDP ayaa waxaa wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin kajeedin doontaa khubdab ku saabsan hormarka baahay ee dowlada Puntland ay ka gaadhay arimaha hormarinta haweenka iyo qoyska iyo sidii ay wasaaradu juhdiga badan u galisay joojinta tacadiga haweenka.

Khudbada wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa waxaa dhagaysan doona wadamo farabadan oo ka qayb galay shirkaan kuwaasi oo qaymayn doona khudbaha kala duwan ee ay jeedinayaan masuuliyiinta haweenka turjumaha ee shirkaan ka qayb galay waxaana wasiiraa sogootiyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska dowlada Puntland.

DAAWO SAWIRRO


Developed by Jago Desain