Hargaysa: Nin Naagtiisii oo nin kale Guursaday Malxiisad u noqday isagoo Gabar iskadhigaya

Hargaysa: Nin Naagtiisii oo nin kale Guursaday Malxiisad u noqday isagoo Gabar iskadhigaya

Magaalada Hargaysa waxaa kadhacday dhacdo Yaab iyo Amakaag ku Reebtay ruuxkaste oo Maqlay kadib markii Nin isaga oo Gabadh iska dhigaya uu Malxiisad u noqday xaaskiisii oo Nin kale oo reer Hargaysa ah uu Guur-saday.

Xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa waxa kadhacday arrin wax cusub ku noqotoy dadka xaafadda ka dib markii qoys dhawaaan ku aqalgalay xaafadda ay malxiisaddii la socotay aroosadda maalmoka dib nin isku bedeshay.Arrintan oo dacwadeeda maxakamadda loo gudbiyey ayaa malxiisadda inay nin tahay la ogaado ka dib markii ninka arooska ah oo shaqaale ka ah, mid ka mid ah warshadaha yar-yar ee sharaabka sameeya uu maalin shaqada ka joogay xanuun awgii, waxaana uu xilli uu qolkiisa jiifka uu ku jiray uu maqlay qof cod nin leh oo xaaskiisa qolka ku xiga ka uu ku jiro kula sheekaysanaaya .

Wuu soo baxay si uu u hubiyo qofka waxaanu arkay xaaskiisa oo ay la fadhido gabadhii uu ku yaqaanay malsxiisadda oo markasta iyadu ku labisata intii uu arkaayey Xijaab iyo Niqaab/indho-shareer,waxa uu weydiiyey ninka uu maqlaayey cidda uu la hadlaayey xaaskiisii ayaa ugu jawaabtay cidna noomay iman ee waa aniga iyo saaxiibtay oo kaliya .

wuu shakiyey waxaanu tagay saldhigga Booliska xaafada oo ka agdhawaa askartii ayaa soo raacday waxayna si ay u hubiyaan ku amreen malxiisaddii inay indho-shareerka bixiso , waxayna arkeen in uu nin yahay , sidoo kalena waxay ka dhigeen xijaabkii , waxaanu noqday nin caadi ah .

dad arrinta ka warhayey ayaa wariyayaal u sheegay inay aroosaddu ku jawaabtay in markii horeba ninka iska dhigay malxiisaddu uu ahaa ninkeedii . 

Developed by Jago Desain