Posts

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal degdeg ah ku tegay Muqdisho

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal degdeg ah ku tegay Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe safar ugu ambabaxay caasimada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinayey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland iyo saraakiisha madaxtooyada Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarkan isaga iyo weftigiisu uu salka ku hayo arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya, waxaana uu tibaaxay madaxweynuhu in ay lagama maarmaantahay in Puntland ay qayb ka ahaato arrimaha doorashooyinka Soomaaliya madaama ay Puntland khibrad badan iyo aqoon badan u leedahay arrimahaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa shegay in Puntland ay xaq u leedahay inay wax ka ogaato arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya isla markaana ay taageerayso isbedelka ka dhicidoona Soomaaliya.

‘’maanta aniga iyo wefti balaadhan ee aan hogaaminayo oo uu ka mid yahay gudomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaan u soconaa magaalada Muqdisho oo dhowaan ay ka dhicidoonto doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, dabcan Dawladda Puntland waa qayb muhiima oo ka midda Dawladda Faderaalka Soomaaliyeed waxayna rabtaa inay wax ka ogaato isbedelka ka dhicidoona Soomaaliya, waxaa ku xidhan Masiirkeeda, waxaa ku xidhan horumarkeeda, waxaa ku xidhan wada jirkeeda iyo midnimadeeda Soomaaliyeed markaa inaanu ogaano, korjoogtayno, ka war-qabno waxa kasoo baxaya gabagabada doorasha Soomaaliya waa mid muhiima’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in isaga iyo weftigiisu ay muqdisho ku sugnaan doonaan ilaa dhammaadka Doorashada, taas oo ay maalmo kooban ka hadhsantahay gunaanadka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain