Posts

Madaxweynihii hore ee Puntland General Cade Muuse Xersi oo Geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Puntland General Cade Muuse Xersi oo Geeriyooday

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun War goordhaweyd kusoo dhacay warbaahinta ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynihii Hore Ee dawlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xersi (General Cade) uu geeriyooday.

Cusbitaal ku yaalla Magaalada Dubai ee Dalka isutaga Imaaraatka Carabta ayaa la xaqijiyey inuu Marxuum Cadde muuse ugu geeriyooday Xanuun mudooyinkii dambe Hayey.

Ehelada Marxuumka ayaa Warbaahinta waxay Maqribkii Caawa u sheegeen in Meydka loo soo qaadi doono maalmaha soo socda Soomaaliya laguna Aasi doono Puntland.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun

BAARGAAL.NET

isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain