Posts

Xog : Xiliga raisul wasaaraha cusub Xasan Kheyre uu hortagi doono baarlamanka oo la shaaciyay



Warar iyo xigo soo gaaraya warbaahinta qaar ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha cusub ee Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu hortagi doono labada Gole ee BFS.

 Kheyre ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri oo taariikhda tahay 1-da March hor tagi doono Baarlamaanka, si codka kalsoonida loogu qaado. Kheyre ayaa kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka oo maalinta berri furmaya codka kalsoonida loogu qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub, oo laga sugaayo inuu soo dhiso Xukuumad cusub. 

 Guddoomiyaha barlamaanka fedraalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay shaaciyay in maalinta Arbacada ee berri uu furmi doono kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka, walow uusan sheegin ajandayaasha kulanka. 

 Sidoo kale, Kalfadhiga beri ayaa lagu wadaa inuu furi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo Xildhibaanada Barlamaanka fedraalka soomaaliya lagu wargaliyay inay soo xaadiraan kulanka. 

 Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo kala duwan oo uu la qaadanaayo Xildhibaanada labada Aqal iyo Odayaasha Beelaha oo uu kala hadlaayo aqbalida go’aanka lagumagacaabay. 

 Lama oga waxa uu Ra’isulwasaarahaacusubb kala kulmi doono Xildhibaanada labada Aqal, inkastoo ay jiraan warar sheegaaya inay u badan tahay in Ra’isulwasaarahaa uu helo codka kalsoonida.
Developed by Jago Desain