Posts

madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez oo kooxdiisa ka difaacay hadaladii Gerard Pique


Real Madrid ayaa soo bandhigtay heshiiska wada shaqayneed ee ay la gashay shirkada Telefonica, wuxuuna madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu xafladan uga faa’iidaystay in uu kooxdiisa kaga difaaco qayb ka mid ah hadaladii Gerard Pique uu maamulkiisa ku dhaleeceeyay. 

Difaaca Barcelona ee Pique ayaa duray qiimaha maamulka Real Madrid ee uu horseedka ka yahay Florentino Perez.Markii uu Florentino Perez soo dhawaynayay waftiga shirkada Telefonica ayuu hadalkiisa ku bilabay mid uu ku difaacayo qiimaha ay leedahay kooxdiisu wuxuuna ku dooday in ay ku soo dhawaadaan goobta kaliya ee ay ciyarahuhu ka yihiin waxa ugu muhiimsan.

Pique ayaa Florentino Perez iyo maamulkiisa ku eedeeyay in ay qaybta VIP-da Bernabeu la soo fadhiisatay gabadhaa Marta Silva oo ahayd xeer ilaaliyaha guud ee Spain oo masuul ka ahayd soo eedayntii Lionel Messi iyo Neymar JR. 

 Marta Silva ayaa sidoo kale soo noqotay xoghayaha boodhka Real Madrid waxayna sidoo kale ka mid tahaytaageerayaasha Los Blancos sida uu xaqiijiyay ninka shaqadii ay haysay kala wareegay ee Bal.

Florentino Perez oo difaacaya qiimaha kooxdiisa ayaa yidhi:“Ku soo dhawaada goobta kaliya ee waxa ugu muhiimsani uu yahay qiimaha ciyaaraha. Halkan maanta waxaa jooga kooxihii (kubbada cagta iyo Basketballka) kuwaas oo dhexdooda ku soo guulaystay 20 koob oo Yurub ah. Sababtooda ayaa kooxdayada loo ixtiraamaa, sababtoo ahwaxaa kooxdayada lagu ixtiraamaa mabaadiida iyo qiimaha kaas oo ku duugan hidasidaheeda”.

Maamulka Florentino Perez iyo boodhkaReal Madrid ayaa shir ka yeeshay hadaladii xanafta wayn lahaa ee Gerard Pique waxayna la tashadeen waaxda sharciga ee kooxdooda haddii ay talaabo sharci ah ka qaadi karaan balse waxay ugu danbayn go’aansadeen in waxa ugu fiicani yahay in ayna Pique si toos ah oo koox ahaan ah ugu jawaabin

Xigasho : Laacib.net
Developed by Jago Desain