Puntland oo xabsiga ka sii deysay nabaddoon C/qaadir Axmed Ibraahim (Xarrago) oo mudo gacanteeda ku jiray

Puntland oo xabsiga ka sii deysay nabaddoon C/qaadir Axmed Ibraahim (Xarrago)caan ah oo mudo gacanteeda ku jiray

Waxa xabsiga Boosaaso maanta laga sii dayay nabaddoon C/qaadir Axmed Ibraahim (Xarrago) oo ah afhayeenka nabaddoonada gobolka Bari ee Puntland, kadib markii ciidamada Puntland ay xabsiga dhigeen 25 kii bishii February ee sanadkan.

Sii deynta nabaddoonka, ayaa waxa dadaal u galay nabaddoono kale iyo odayaal, waxa maanta la hor geeyay maxkamadda darajada kowaad, halkaas oo ugu dambeyn loogu sheegey in uu xur yahay, iyadoo aan la maxkamadeyn.

Xarrago, ayaa la xirey kadib markii uu wareysi siiyay idaacada VOA dhammaadkii bishii tagtay ku sheegay in dhalinyaro loo haystay xiriir ay la leeyihiin Al-Shabab ay ka muuqatay jirdil, isla markaana uu ku baaqay in xukunkooda dib loo eego.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka calbari 
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain