Posts

DEG DEG : Burcad badeed Soomaali ah oo looga shakisanyahay in afduubteen markab watay calanka dalka Tuvalu


Burcad badeed Soomaali ah ayaa looga shakisan yahay afduubka markab xamuul qaade ah.

masuul ka tirsan ciidamada badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu watay calanka Tuvalu- laguna magacaabo OS35.

Graeme Gibbon-Brooks, madaxa shirkadda gaarka loo leeyahay ee Dryad Maritime Intelligence, ayaa sheegay in ilo ganacsi ayaa xaqiijiyeen afduubka.

mid kamid ah burcad badeed Soomaalida ah ayaa sheegay inay ogaadeen in burcad badeedu ay u suurtagashay in ay fuulaan markabka meel u dhow jasiiradda Socotra inkastoo ay iska caabin kala kulmeen shaqaalaha markabka.

afduubkan cusub ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii burcad badeed soomaali ah ay afduubtay doon ganacsi oo India laga leeyahay oo ka timid dubai kuna wajahnayd dekeda boosaaso waxaana ka sii horaysay afduubka markab nooca shidaalka qaada ah oo bishiii March lagu afduubtay xeebaha gobolka Gardafuu ee puntland oo ahaa falkii ugu horeeyay oo nciisa ah oo markab lagu afduubto tan iyo sanadkii 2012, laakiin waxaa la sii daayay ka dib markii odayaal iyo waxgarad ay soo dhex galeen.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain